HALKAN KA AKHRI: War-murtiyeed Xisbiga WADDANI kasoo Saaray Dadaalka iyo daneynta dimuqraadiyada Somaliland ee beesha Caalamka iyo Fududaynta wadahadal lagu xaliyo muddo kordhinta guurtidu sameeyay,gogosha xukuumaddu fidisay,go’aankii guurtida iyo mawqifka xisbiga
Xisbiga WADDANI wuxuu Soo dhaweynayaa Tageerada Beesha Caalamka ee dhinacyada badan ee kala ah.
- Taageerada Iyo Is-Kaashiga Dhinac Amniga
- Taageerada dhinaca horumarka
- Taageerada dhinaca shaqo-abuurka
- Taageerada dhinaca geeddi-socodka dimuqraadiyadda si loo xaqiijiyo doorashooyin xor oo xalaal ah oo xiligooda ku dhaca.
Xisbiga WADDANI wuxuu aaminsan yahay in dawg keliya ee loo mari karo hiigsiga shacabka Somaliland ee aqoonsigu uu yahay la-macaamilka iskaashiga hufan iyo xidhiidhka suubban ee lala yeesho Beesha Caalamka,Xisbiga WADDANI wuxuu ka soo hor-jeedaa takooridda Somaliland laga takoorayo Beesha Caalmkaa.
Xisbiga WADDANI wuxuu soo dhayaweynayaa dedaalka iyo fududaynta ay Beesha Caalamku ku hollinayso in xiisadaha iyo muranada siyaasadeed ee oogan lagu maareeyo wada-hadal, xiisadan siyaasadeed ee taagani waa mid ka dhalatay muddo-kordhintii Golaha Guurtidu u samaysay Madaxweynaha Iyo Golaha Wakiilada ee dhammayd 21ka bilood,taas oo xilliga doorashooyinka u riixday Maaj 2017.
Golaha Guurtidu wuxuu dhegaha ka furaystay talo-bixintii Xisbiyada mucaaradka ah iyo dareemmadii dadweynuhu ku taageerayeen soo –jeedintii Guddiga Doorashooyinka Qaranku ku cayimeen maalinta ay qaban karayaan doorashooyinka oo ku suntan 1 June 2016ka,xisbiga WADDANI ma arko kumana qanacsana in loo bahan yahay 10 bilood oo lagu kordhiyo muddada farsamo ee sanadka ah ee ay Guddida Doorashooyinku cayimeen.
Xisbiga WADDANI wuxuu aad u danaynayaa wada-hadallada iyo gogosha uu ku baaqay Madaxweyne ku-xigeenku,waxaanu Xisbigu Oggol yahay in laga wada-haddllo xiliga doorashada la qabanaayo iyo muddo-kordhintii Golaha Guurtidu jideeyay.
Xisbiga WADDANI wuxuu diyaar u yahay in uu kaalintiisa ka qaato dedaal kasta oo lagu raadinayo samaha iyo horumarka Somaliland, Xisbiga WADDANI wuxuu qadarin doonaa baaqii Beesha Caalamka ee 13 May-2015 iyo wada haddalladii dhex maray Wakiilka EU-da iyo dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka ee Somaliland 11-13 May 2015ka,ugu dambayntii Xisbiga WADDANI wuxuu Aad u qaddarinayaa taageeradaa niyad-samida ah oo saamayn togan ku leh geeddi –socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.