Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Soo Dhaweeyey Qoddobada Kasoo Baxay Wada-hadalladdii Djibouti Kusoo Gebogeboobay

0
20

Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Hawraar san kusoo dhaweeyey qoddobada kasoo baxay Heshiiskii ay shalay Magaalada Djibouti ku kala saxeexdeen Madaxweyneyaasha Somalia iyo Somaliland.

Guddoomiye Feysal cali Waraabe oo u warramay qaarka mid ah Warbaahinta laga leeyahay Koonfurta Somalia, ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid uu soo dhoweynayo, isla markaana uu rajeynayo inuu meel maro.

“Heshiiska waa soo dhoweyneynaa aad iyo aad, waxaa jecel nahay inuu heshiiska meel mar uu noqdo, wax alla wixii lagu heshiiyay la hirgeliyo, waxaa u hambaleynayaa Madaxweynaha Jabuuti oo qaatay waajibaadkiisa xaqa ah”ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe

 faysal cali

Mar uu ka hadlayay gaabiska ku yimid wada hadalada ayuu tilmaamay in dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay caga jiid ahaayeen, aanay markii hore wada hadalada kaga fiicnaayeen dowladdii Sheekh Shariif hogaaminayay, balse haatan ay muuqato in wada hadala la dar dar geliyo inay diyaar u yihiin.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay wax sahal aheyn in go’aan laga gaadho arrinta ku aadan in Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale ama in Soomaaliya ka sii mid ahaadaan, taasoo uu xusay inay u baahan tahay waqti dheer.

“Arrinta u dambeysa ee ah mala kala tagaa ama mala isku darsadaa waqtigeeda lama gaadhin marka hore waxaa haboon in la dhiso kalsooni, la is barto, xidhiidhka wanaagsanaado, in jawigaas horta in la suura geliyo, marka dambena la gaadho wax ma wada yeelan karnaa mise waa is macsalaameynaa waana wadada lagu socdaa”ayuu yidhi Feysal cali Waraabe.

Wada hadalada u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa muddo sanad ah hakad ku jiray, iyadoo dowladda Soomaaliya dhinaceeda uu gaabiska ka jiray, maadaama khilaaf siyaasadeed uu ka dhex jiray.

Himilomedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here