“Guddoomiye Halka Qaranimada Somaliland Lagu Burburinayaa Waa Halkii Laguugu Heshiiyey Oo Maaha Arrin Aad Difaaci Kartid”

0
51

Guddoomiyaha UCID Ee Gobolka SAAXIL

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid u qaabilsan Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin, ayaa ka dayrisay xaaladda dalku haatan marayo, waxana ay ay si kulul  xukuumadda ugu dhaliishay eedo la xidhiidha Heshiisyo qarsoodi ah oo ay la galeen dhiggooda Somalia oo Warbaahin caalami ahi dhawaan baahisay. Rooda Axmed yaasiin oo Magaalada Hargeysa kula Hadashay qaar kamid ah warbaahinta, ayaa sidoo kale dhaliil dusha ka saartay  Afhayeenka Madaxtooyada oo ay kula dardaarantay inaanu difaacin shakhsiyaad dalka joogo oo loo jeediyey eedo xaasaasi ah.  rooda axmed yasin
Rooda oo ugu horrayn farriin dahsoon u diraysa Afhayeenka Madaxtooyada oo wasiirka madaxtooyada difaac uga noqday eedo dhawaan uu u jeediyey wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa waxa ay tidhi, “Ninkii wax lagu soo eedeeyo yaanu nin ka sokeeyaa u hadlin waayo waxa la yidhaahdaa Af jooga looma adeego, raggan ka sokeeya ee u hadlayana waxan leeyahay waxaydaan ogoyn idinkoo ka shaqaynaya in kuraasida la idinka qaado ma ah wax umaddu idinka dhegaysanaysee ha is difaaca ninka la eedaynayaa.”  Rooda Axmed Yaasiin, ayaa sidoo  ka facelisay hadal dhawaan uu Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ku difaacay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana ay hawada umarisay farriin kulayl badani ka muuqdo,  “Arrintan dhacday anigu looma fadhi baan u bixiyey oo wax la sugayey ma ahayn, Halka Maanta Somaliland Qaran-nimadeeda lagu baabi’inayo ee lagu dumiyey ee xamar lagula heshiiyey waa halkii adigana laguugu heeshiyey Muusow oo ma aha arrin aad difaaci kartide ha difaacin, adigaa ogaan lahaa waxa lagaaga hayaa halkaase qaranka wax lagaga samaynayana ma difaaci kartid.” Ayey tidhi Marwo Rooda Axmed Yaasiin. Sidoo kale waxa ay Rooda Axmed Yaasiin Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor ku eedaysay inuu shaqadii qaranka kaga jeestay raalligelinta shakhsiyaad kooban oo madaxtooyada ku jira, waxana  ay xustay inuu ku hawllan yahay bixinta dhul dan guud ahaa oo dad aan xaq u lahayn si hoose loo siinayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here