“Marka Mudanuhu Dooddiisa Dhiibanayo Inuu Siyaasadda Xisbiga Uu Fuliyo Xaq Buu U Leeyahay, Laakiin Markay Tahay Hoggaaminta Golaha Waxa Xaq Naloogu Leeyahay…..”
Hargeysa(Hubaal):- Mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL, ayaa cod aqlabiyad ah ku doortay Xildhibaan Axmed-yaasiin Sh Cali Ayaanle inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada. Fadhigan Golaha Wakiilada ayaa waxa ka soo qaybgalay 71 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xidhibaan ee golahaasi ka kooban yahay, waxaana halkaasi tartan ku dhexmaray saddex musharax oo gobolka Awdal ka soo jeeda, halka ay tartankan ka tanaasuleen toddoba xildhibaan oo hore u shaaciyey inay u tartamayaan jagadaasi. Saddexdan musharax oo kala ah Xildhibaan Axmed-yaasiin Sh Cali Ayaanle, Xildhibaan Xasan Hufane, Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin, sidaasi awgeed ayaa cod gacan taag ah oo loo qaaday waxa ku guuleystay xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Axmed-yaasiin oo helay 50 c0d, halka uu Mudane Xasan Hufane uu helay 16 cod, Mudane Axmed Cabdi Kaahin na waxa uu helay hal cod. Fadhigan mudanayaasha golaha Wakiilada ay ku dooranayeen guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada ayaa guud ahaan warbaahinta aan loo ogoleyn.
Geesta kale Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada ee shalay la doortay Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa markii Fadhiga lagu doortay uu dhammaaday waxaa uu ka hadlay doorashadiisu siday u dhacday iyo dareenkiisa guusha uu gaadhay Kursigaas oo Mudanayaal kale kula tartameen. Waraysi uu Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada loo doortay siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa ka jawaabay su’aalo door ah la weydiiyay, ugu horrayna su’aal ahayd in Shirguddoon ahaan loo tirin karo inay ka soo jeedaan Xisbiga Kulmiye oo keli ah iyo in mar kale laga yaabo in khilaaf siyaasi ahi soo kala dhexgasho Shirguddoon ahaan, waxa uu ku jawaabay; “Marka tartanka lagu jiro amma mudanuhu dooddiisa dhiibanayo inuu siyaasad xisbi uu golaha ka dhex fuliyo xaq buu u leeyahay, laakiin markaannu annagu shirguddoon nahay waxa xaq naloogu leeyahay in aannu golaha dhex u noqonno, markay waliba tahay hoggaaminta golaha. Anigu cod baan ku leeyahay golaha markaanan guddoominayn fadhiga ee uu guddoomiyuhu fadhiyo, codkayga xaq baan u leeyahay aragtida aan markaa qabo inaan siiyo.” “Laakiin, markaan guddoominayo golaha, mudanaha Kulmiye ka soo jeeda iyo mudanaha Waddani ka soo jeedaaba xaq bay u leeyihiin inay helaan caddaalad hoggaamineed. Taana waan u ballan qaaday, waanan fulin doonaa. Khibraddii hore (Dagaalkii shirguddoonka) noogu filan ceeb iyo calaacal ba, waxaan isleeyahay malaha haddii feedh lay qaatana in aanan anigu ridayn baan rejaynayaa.”