Hargeysa (Hubaal) Guddoomiye ku-xigeenka degmada 26 June ee xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil ayaa kormeer daaran sida ay hawlaha kaadhqaadashadu uga socdaan kusoo maray 33 goobood oo kamid ah degmada 26 June.
guddoomiye ku-xigeenka degmada 26 June ee xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil oo Hubaal u waramay ayaa sheegay inay si habsami ah u socoto kaadhqaadashadu, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan;
“sida la ogyahayba, waxa Sabtidii todobaadkan, gobolka Maroodijeex iyo Gobolka Togdheer-ba ka bilaabmay qaybinta kaadhadhka codbixinta doorashada madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa. Ka xisbi ahaan waa waajib innaga saaran inaanu bulshadeenna ku wacyigelino, inay isdiiwaangeliyaan, oo ay qaataan kaadhka codbixinta, Hawlo taasi daba socda, haddaanu nahay masuuliyiinta xisbigu u xilsaaray degmada 26 June oo runtii ah degmo aad u balaadhan, ayaanu waxaanu maanta kormeer kusoo marnay sida ay hawluhu u socdaan, saddex iyo Sodon goobood oo degmadan aan guddoomiye ku- xigeenkeeda ahay, uga socdaan. Runtii si wacan ayay uga socdaan ilaa immika oo ay bulshaduna u qaadanayaan kaadhkooda. Xubnaha muraaqibiinta xisbiga u joogta goobahan oo iyaguna aan dhawaan siinay tabobar ku salaysan hawsha ay qabanayaan, iyaguna runtii si wacan bay u guteen hawshaasi, isku soo wada duuboo, hawsha kaadhqaadashada ee degmada 26 June uga socota 33-ka goobood, si wacan oo bilaa turxaan ah ayay u soctaa, waxaanan halkan uga mahadnqayaa hawlwadeennada, shaqaalaha komishanka ee hawshani wada oo runtii si hufan ah ugu adeegaya bulshada.” Sidaasi ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenka degmada 26 June ee xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil.
Ugu dambeyn Mr. Shiil ayaa ugu baaqay bulshada gobollada ay kaadhbixintu ka socoto, gaar ahaana dadweynaha ku dhaqan degmada 26 June inay qaataan kaadhka xaqa u siinaya inay codeeyaan doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona.