Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE oo Aqoon Is-waydaarsi u Furay Hawl-wadeennada Xisbiga ee Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex

0
30

16105881_359741974389528_2988732014507639309_n

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa furay kulan aqoon is-waydaarsi ah oo loo qabtay hawl-wadeennada xisbiga u qaabilsan degmooyinka Gobolka Marood-jeex.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka gobolka Maroodi-jeex, ayaa saaka ka furmay Hoolka Cali-Maarshaal ee xarunta xisbiga KULMIYE, kana qaybgaleen xubno ka mid ah hoggaanka guud ee xisbiga, guddoonka garabka haweenka iyo maamulka sare ee gobolka Maroodi-jeex, waxa tababarkaasi oo ku saabsan sidii jawi is-dhexgal, mid is-fahan iyo wadashaqaynba ay u yeelan lahaayeen hawl-wadeennada degmooyinka gobolka ee xisbiga KULMIYE, looguna baraarujin lahaa shuruucda iyo xeerarka guud ee xisbiga, isla markaana ay u xoojin lahaayeen wadajirka iyo is-dhexgalka bulshada guud ahaan, gaar ahaan caasimadda.

Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Hadhiye oo kulankan ka hadlay, ayaa faahfaahiyey dulucda iyo ujeeddada laga leeyahay tababarkan, waxannu tilmaamay inay xisbiga ka go’an tahay sidii meel sare loo gaadhsiin lahaa aqoonta xubnihiisu u leeyihiin xeerarka xisbiga iyo anshaxa loo baahan yahay xilliyada ololaha lagu jiro, waxaannu yidhi, “Kulankeena maanta waxa aannu isugu kiin yeedhnay oo uu daaranyahay sidii hawl-wadeennada xisbiga ee degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex isu baran lahaayeen, isla markaana fahan dheeraad ah uga korodhsan lahaayeen shuruucda xisbiga iyo anshaxa suubban ee xilliyada ololaha loo baahanyahay, intiina halkan ku sugani marka aad aqoonta la idiin sheegayo meelaysaan waxa aad u gudbin doontaan xubnaha kale ee xisbiyahannada ah ee aad xidhiidhka leedihiin iyo bulshada degmooyinkiina.”

16105506_359742451056147_7788639803821684352_n

Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Marwo Xusni Maxamed Warsame oo iyaduna kulanka hadallo kooban ka jeedisay, ayaa tallaabo fiican oo horumar leh ku tilmaantay tababarkan, waxaanay si weyn ugu mahadnaqday maamulka Gobolka ee fikirkan keenay, isla markaana soo qabanqaabiyey.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Garabka Haweenka heer Qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa u mahadnaqday maamulka Gobolka sida ay xilka iskaga saarayaan hawlaha shaqo ee xisbiga ee gobolka Maroodi-jeex iyo sida ay aqoonta dhinaca isku xidhnaanta iyo wada-shaqaynta hawlaha xisbiga ahmiyadda weyn u siinayaan, waxaanay kula dardaarantay inay halkaas kasii wadaan dedaalka ay wadaan.

Xubno ka mid ah macallimiintii tababarka bixinaysay oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey muhiimadda ku duuggan tababarkan, casharrada laga baran doono iyo sida ay muhiimka u tahay in mar walba kor loo qaado aqoonta iyo xirfadda dadka xisbiyahanka ah ee hawlaha xisbiga gacanta ku haya, waxaanay ku dhiirrigeliyeen ka qaybgalayaasha tababarka inay muhiimad iska saaraan meelaynta duruusta la siinayo.

Ugu dambayntii, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo daah-furay aqoon is-waydaarsigaas, ayaa ku dhiirrigeliyey hawlwadeennada nasiibka u helay tababarka inay wax badan ka korodhsadaan oo ku dabaqaan shaqada ay xisbiga u hayaan, “Tababarka noocan oo kale ah waynu u baahanahay, waayo bani’aadamku mar walba baahi buu u qabaa in wax cusub la baro oo sida shaqada uu hayo loo qabto iyo halka quruxdeeda iyo tayadeedu ku jirto la tuso, is-dhexgalka iyo isbarashada hawl-wadeennada oo iyadu kulankeena meel sare kaga jirtaana waxa ay ka mid tahay waxyaabaha aynu baahida weyn u qabno, maadaama oo aynu dad mar walba isku baahan oo hawlo iskaga xidhan yihiin aynu nahay, dhawrista anshaxa oo waxyaabaha la idin bari doono ka mid ah iyo fahanka shuruucda iyo xeerarka xisbiga KULMIYE, ayaa iyaguna muhiimad weyn inoo leh oo tayeynaya shaqada aynu xisbiga u hayno wax badan ka taraysa,” ayuu yidhi Md. Maxamed Kaahin Axmed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here