Guddoomiye ku Xigeenka   SAHAN BARWAAQO Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaallada London, Kulamo Wacyigelin Ahna La Qaatay Qurbejooga+SAWIRRO

0
82

Qurba-Joogta Deegaanka Sallaxley Iyo Hablaha Ururka Gaaroodi Oo Xaflad Qaadhaan Ururin ah Loogu Sameeyey Jidka Hargeysa Iyo Sallaxley  Ingiriiska Ku Qabtay

London (Hubaal) Gudoomiye ku xigeenka guddida Sahan Barwaaqo mr Axmed Guud Cade, ayaa Xaflad balaaadhan oo casho sharaf  ah ku soo dhaweeyaan kuna maamuuseen bulshadda  ururada, oday dhaqameedka, aqoonyahanka, Ganacsatadda iyo haldoorka ka soo jeeda Deegaanadda gobolka maroodi jeex iyo Degmadda sallaxlay ee ku daweynaha Ingiriiska ku dhaqan.

Munaasibadan lagu sharfay guddoomiye ku xigeenka Sahan Barwaaqo Axmed Guud Cade, ayaa lagu qabtay Magaaladda London ee cariga Ingiriiska, waxa soo qaban qaabiyey  ururada ay ka mid yihiin Hablaha ee gaaroodi, ururka Haldoor iyo dhalinyaradii iyo aqoonyahanka dhamaantood ka soo jeeda deegaanadda Degmadda Sallaxley iyo Gobolka Maroodi Jeex, waxaana nuxurkeedu uu ahaa mid lagu maamusayey ama lagu soo dhaweynaayey gudoomiye ku xigeenka gudida guud ee horumarinta gobolka maroodi iyo salaxlay ee sahan barwaaqo mudane axmed guud cade oo safar wacyi galin ah ku gaala bixinayey wadamo ka tirsan qaarada yurub.

Gudoomiye ku xigen Axmed Guud Cade safarkan uu ku wacyi galinaayey bulshadda deegaankiisa ee dalalka qurbaha ku kala dhaqan, ayaa u jeedkiisu yahay sidii dadka qurba joogta ahi tageero UGA gaysan lahayen dadka abaartu ku habsatay iyo dhismaha wadada cad ee sallaxley isla markaana sidii dib loogu bilabilahaa dhismaha Jidka Wadda Hargeysa iyo Degmadda Sallaxley taageerona looga geysanlahaa.

img-20161219-wa0079Madasha kulanka ee Guddoomiye Axmed Guud Cade Qurbo joogtu ay wada qaateen, waxa hadalo kala duwan ka jeediyey madax dhaqameed, Salaadiin, Ganacsato, aqoonyahan waxaana ka mid aheyd foolaadkii madasha ka hadlay gudoomiyaha ururka hablaha gaaroodi Marwo Sahra Cumar oo ku dheeratay wax qabadka gudida sahan barwaaqo isla markaana dadkii halka ka soo xaadiray ku adkaysay in aanay ka daalin taageeradda iyo tabarucaadka bixinta lacagta loo ururinaayo dhismaha Jidka Sallaxley iyada oo Isla madasha  xafladii ururka garoodi ku gudoonsiyeen lacag dhan  $10000 oo dalar oo ay ugu deeqeen wadad cad.

Dhinaca kale waxa hadal ka jeediyey xubin ku hadashay magacayga ururka Haldoor kaas oo  ku dheeratay muhiimadda iyo hawlaha adage e shaqadda uu bulshaddiisa u hayo ururka Haldoor isaga oo soo dhaweyey gudoomiyaha iyo gudida guud ee Sahan Barwaaqo.

Ugu dambeyntii xubnaha bulshadda Beeshada Ciidda-galle  ee ku kala dhaqan dalka Uk, waxay xafladaasi Shaahaado ku maamuuseen guddoomiye xigeen Axmed Guud Cade, isaga oo ay ku tilmaameen in uu yahay shakhsiyad wax badan ka qabtay deegaanada ay ka soo jeedaan waxa soo, waxaana soo gebo gebeeyey madasha masuulkan xaflada loo qabtay mr Guud Cadde oo u mahadnaqay sida sharafta leh ee laa maamusayey hablaha gaaroodina ugu mahadnaqay, siday marwalba ugu soo jawaaba baaahida taala, wuxuu baaq u diray xukuumada gudida habaraha dawlad deeganka Ethiopia sidii ay ugu Furman lahaayeen dadka abaaruhu ku habsadeen isaga oo ugu horeyna xaflada dadka joogay  warbixin ka siiyey wixii ay qabteen gudi ahaan mudadii ay joogen gaar ahaan waxay ka qabteen dhinacyadda biyaha caafimadka, waxbarashada ,nabad galyada ,diiwaangalinta  iyo xalinta khilafaadka.

img-20161219-wa0103 img-20161219-wa0100

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here