Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweyne Siilaanyo, Axsaabta Mucaaridkana Farriin U Diray

0
26

Hargeysa: (Hubaal)-Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa Markii ugu horraysay ka hadlay Safarka madaxweyne Siilaanyo iyo waftiga uu hoggaaminayaa kusoo maray Gobollo kamid ah somaliland oo uu wali ku maqan yahay.

Guddoomiye Muuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in safarkaas madaxweyne Siilaanyo uu yahay mid guul ku dhamaaday, isla-markaana xogo-ogaal loogu noqonayey Xaaladda Guud ee shacabku ku nool yihiin, “Madaxweynuhu wuxu ku jiraa Hawshiisii Distooriga ahayd ee ahayd inuu dhulka maro oo xogogaal u noqdo oo wixii marba tamari tahay uu taro oo xog iyo war lasoo noqdo, waxa uu ahaa safar dheer oo wakhti adag ku beegmay oo dadkuna si fiican uga jawaabeen ayuu ahaa, waana ku hambalyeynaynaa Umadda somaliland iyo madaxweynaba.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

 muuse-biiiixi

Guddoomiye Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa ka Hadlay dhaliilaha axsaabta mucaaridka ahi ku hayaan Safarka Madaxweynaha iyo Gebi ahaanba hannaanka Xukuumadda Kulmiye u hoggaamiso dalka, waxana uu taas ku tilmaamay siyaasad u taagan sidii ay wax u dumin lahayd oo kaliya.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay in hoggaanka mucaaridka aanu carrabkoodu aqoonin sida loo sheego wanaagga, taas beddelkeedana uu u taagan yahay inuu waxa xun oo kaliya sheego,waxana uu yidhi,

“Waxa jira Xisbiyo Mucaaridka madaxtooda qaarkamid ah oo aroor walba kusoo baxay saxaafadda, sanadkiina waa saddex boqol iyo sagaashan maalmood, ragbaana afar sano iyo dheer waagii baryaba soo baxayey, inta baddana ragaas mucaaridka ahi wali maalin qudha umaddu waxay ku faraxdo ma sheegaan, waxana caado u noqotay inay aroor walba ay war naxdin leh uun ay keenaan, arrintaasina waxan leeyahay ma aha Siyaasad, waxana wanaagsan inay Mucaaridku qaar wax dhisaya noqdaan.”

Himilomedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here