Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi Oo Raali-gelin Ka Bixiyey Hadalkii Ka Soo Yeedhay Xubin Ka Tirsan Xubnaha Qurbe-jooga Ee Xisbiga Kulmiye

0
25

Hargeysa(Hubaal) -Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Muj:Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay hadal dhawaan uu Oday ka tirsan Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE uu ku duray Shirkada Ganacsiga ah ee Dahabshiil Group,waxana uu gudoomiyahu uu sheegay in arintaasi uu raali galin uu ka bixinaayo sidaas darteedna aanay marnaba ogalayn in shirkada Dahabshiil iyo Shirkadaha kalaba wax laga sheego maadaama aynu leenahay ganacsi Xor ah kaasi oo u adeega Bulshada reer Somaliland.

muuse-biixi

War-saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Xafiiska warqabadka ee Mareegta ramaasnews ayaa waxaa uu udhignaa sida tan:

Ujeeddo; RAALIGALIN

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka raaligalinayaa shirkada Dahab-shiil hadal gaf ah oo ka soo yeedhay xubin ka tirsan xubnaha qurba jooga xisbiga kulmiye.

Dahabshiil wuxuu ka mid yahay shirkadaha safka hore kaga jira u adeegista bulshada, u samafalka shacabka iyo gurmadka hawlaha qaranka,

Sidaa daraadeed Dahabshiil iyo shirkadaha kalaba ma gayaan in lagu yidhaa waxaan qabanin.

Sida Dastuurkeenu qorayo waxaynu leenahay ganacsi xor ah, oo dalka oo dhan u adeega.

Mar kale waxaanu kaa raaligalinaynaa guud ahaan ganacsatada wixii duulduul ka soo gaadha hadalada siyaasada.

 

ALLAH                 MAHAD             LEH

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Md. Muuse Biixi Cabdi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here