“Waxa jira hablo laftoodu aan hagaagsanayn oo marka ay dhaxaan ee habeenkii reerkoodu waayo marmarsiinyo samaynaya, qof walibana waxa uu odhanayaa Irbad baa la igu muday, irbaddaasina waa wax aan sal iyo raad toona lahayn….”Guddoomiye Ramaax
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha gobolka Togdheer Md. Maxamuud Cali Salebaan (Ramaax), ayaa markii ugu horraysay si furan uga hadlay wararka muddooyinkii ugu dambeeyey dhegaha bulshada Somaliland sida weyn u qabsaday ee sheegaya in dhallinyarada la af-duubanayo, qaarkoodna miyirkooda la beddelayo.
Guddoomiye Ramaax, ayaa isaga oo Hargeysa ku sugan waxa uu warbaahinta u sheegay in si weyn loo buun buuniyey arrintaas, isla markaana hablo aan basarkoodu fiicnayni arrinta dabada ka riixayaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Wararka dadka la xadayaa wax badan bay iskugu jiraan, waxana jira hablo laftoodu aan hagaagsanayn oo marka ay dhaxaan ee habeenkii reerkoodu waayo marmarsiinyo samaynaya, waxa ugu badane jiraana waa tahriib.”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inaanu arag dad beerka lagala baxay sida wararku sheegayaan, isaga oo beeniyey wararka sheegaya inay jiraan dad Irbado lagu muday oo dhiigag laga baadhay “Annagu maanu arag wax Beer lagala baxay iyo wax Kelyo lagala baxay, qof walibana waxa uu odhanayaa Irbad baa la igu muday, irbaddaasina waa wax aan sal iyo raad toona lahayn, waxana ay la mid tahay Biyaa la igu shubay oo gabadh baan raacaydani Iyana waa riwaayad dad dan gaar ahi leedahay iyo akhaas ku qarinaya khaladaad ay ku jiraan, habluhu ha u bataane,” ayuu yidhi guddoomiye Ramaax.
Dhawaanahan waxa soo baxayey warar sheegaya in dhallinyarada hablaha u badan si gaar ah loo badhtilmaameedsanayo, isla markaana ay dalka kusoo bateen dad kelyaha iyo beerka dhallinyarada ka ganacsanayaa, balse weli lama hayo cid si toos ah arrintan uga hadashay, marka laga tago shakhsiyaad iyagu si iskood ah arrintan u sheeganayey inay ku dhacday.