Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha gobolka Togdheer Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa shacabka gobolka uga digay inay gacan togaaleeyaan cashuurta dawladda ee gobolka kasoo xeroota, waxana uu farriin adag u diray cidkasta oo arrimaha cashuur ururinta iyo ilaalintooda ku shaqo leh.
Guddoomiye Ramaax oo warbaahinta magaalada Burco kula hadlay, ayaa si cad u sheegay inaan mar dambe la eegan doonin cashuuro dawladdu leedahay oo la lunsanayo, isaga oo soo bandhigay juwanno cashuurtooda la lunsaday oo ay gacan saddexaad ka faa’iidaysatay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii hore looga qarsan jirey dib looga indho qarsan maayo, waxana aan farayaa in dakhliga dawladda sida uu yahay loo xareeyo, waxan halkan ku hayaa Juwan lagu lahaa $2700(laba kun iyo toddoba boqol) oo dollar oo kala iibsi guri ah oo ay nootaayo magaalada ku taallaa warqaddii cashuurta lagu bixiyey ku qortay $300(saddex boqol) oo dollar.”
Mudane Ramaax oo hadalkiisa wata, ayaa waxa uu intas ku daray, “Maadaama oo aanay cashuurtii ku baaqan gacantii iibsadaha iyo iibiyaha midna, gacantii dawladdana soo gelin waxanu hay’adaha u xilsaaran faraynaa inay tallaabo degdeg ah ka qaadaan oo aan dib loo aqbalin.”
Waxa uu baaq u diray nootaayooyinka waxyaabaha bulshadu kala iibsato lagu kala qorto, waxana uu uga digay inay doc faruuraan heshiisyada kala iibsiga si hoos loogu dhigo cashuurta dawladda loo xaraynayo,“Nootaayooyinka oo ay wasaaradda caddaaladdu wakiil ka tahay waxan farayaa inay umadda dakhligeeda loo ilaaliyo, laga bilaabo maantana cidda dambe ee lagu helo inay umadda dakhligii dawladda ka khiyaamaynaysona waa in tallaabo degdeg ah laga qaadaa.”