Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha degmada 26-june ee xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil ayaa dhammaan bulshada ku dhaqan hargeysa, gaar ahaan degmadaasi ugu baaqay inaanay ka qayb qaadan mudaharaadka ay mucaaridku ku baaqeen berrito oo khamiis ah.
Guddoomiye Muxiyadiin ayaa sidoo kale taageeray isla markaana isbarbar taagay, go’aanka xukuumaddu ka qaadatay mudaharaadka mucaaridku iclaamiyeen berri khamiista, kaas oo asxaabta mucaaridka lagu faray inay ku qabsadaan keliya goobaha dawladdu u cayintay, isla markaana ay sharcidarro tahay in aan dariiqyada iyo ganacsiga kala duwan ee ka jira caasimada la xidhi karin.
“waxan halkan fursadayda uga faa’ideysanayaa, inaan la wadaago bulshada degmada caasimada hargeysa, gaar ahaan degmada 26-june, inaanay ka qayb gelin bannaan-baxyada aannu mucaaridku dusha u ridan doonin wixii dhibaato ka yimaada, isla markaana bulshadu ku dedaasho adkeynta nabadgelyada oo ay dhan uga soo wada jeestaan.” ayuu yidhi guddoomiyaha degmada 26-june ee xiga talada haya ee Kulmiye oo goordhaweyd la hadlay wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal.