Guddoomiyeyaasha Xisbiyada iyo Komishanka oo Shir Gaar ah yeeshay iyo Ujeeddada Kulan Saddex-goosaad ah oo maanta loo ballamay

0
25

Hargeysa, (Hubaal)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka , ayaa kulan albaabadu u xidhanaayeen oo xalay ku qabsoomay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa la qaatay Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran, kaas oo lagaga hadlay Arrimaha diyaar-garowga Doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

komiishanka iyo asxaabtaToddoba Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka iyo Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, ayaa la sheegay inay kulankooda kaga wada-arrinsadeen Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo wakhtigii loogu talo-galay qabsoomideeda ay muddo-dhaaftay, taas oo ilaa immika aan muddo cayiman loo samaynin in la qabto.

Lama oga qodobbada ay daneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland sida gaarka ah ugaga wada-hadleen kulankaas oo saacado qaadatay, haseyeeshee ilo-wareedyo kulankaas ka ag-dhow, ayaa Himilo u sheegay in kulankaas lagaga wada-hadlay diyaar-garowga Doorashooyinka iyo sidii talo-midaysan looga yeelan lahaa hirgelinta Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo beesha caalamku taageeradooda dhaqaale ku xidhay, isla markaana wakhti loogu muddeyn lahaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Warku waxa uu intaas ku daray in guddigu hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran warbixin ka siinayeen natiijada socdaal xubno ka tirsan Komishanku kaga soo laabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay kulamo kul asoo qaateen Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhaqaalaha Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Haseyeeshee, ilo-wareedyo ma sheegin Arrimaha Qaadhaanbixiyeyaasha iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ka wada-hadleen ee ay u gudbiyeen Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran.

Kulanka Xalay dhex-maray Guddiga Doorashooyinka iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiga Qaranka, ayaa hor-dhac u ah kulan ay maanta u ballansan yihiin Komishanka Doorashooyinka, Guddiyada Farsamo ee Axsaabta Qaranka u qaabilsan wada-shaqaynta Komishanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kaas oo la filayo in lagaga tashado dar-dargelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo sidii aanay cabaqado is-dabra ugu keenin diiwaangelinta Madaniga ah oo xilligan ka socota dalka.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa hore u shaaciyey in Xukuumaddu ku fadhido isla markaana ay dabada ka-riixayso dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka iyo muddo-kordhin xukuumadda loo sameeyo, haseyeeshee Xukuumadda ayaa masuuliyadda qabsoomidda doorashada isaga riixday guddiga doorashooyinka, iyada oo xukuumaddu ku doodday inay dhinaceeda diyaarisay dhammaan shuruudihii kaga waajibay qabsoomidda doorashooyinka.

Si kasta ha ahaatee, kulanka dhexmaray Guddiga Doorashooyinka iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiga Qaranka oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee ay arrimaha Doorashooyinka kaga wada-tashadaan Komishanka meel ka baxsan Xayn-daabka Guddiga Doorashooyinka, ayaa u muuqda mid hordhac u ah talo-midaysan oo daneeyayaasha Doorashooyinka dalku ka yeesheen diyaar-garow la’aanta doorashada oo wakhtiga hore loogu muddeeyey ku eg yahay 26 June ee sannadkan oo wakhti koobani ka hadhsan yahay.

source:Himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here