Wararka kala duwan ayaa wali ka soo baxaya deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubbada hoose oo subaxnimadii hore ee saakay weerar culus ku qaadeen. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyihii degmadaasi Maxamed Tooxyare Nuux oo uu ku dhintay weerarka, isaga oo ku dhex sugnaa saldhigga markii Shabaabka ay soo weerareen.
Weerarka ayaa ku billowday baabuur xamuul oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo saldhigga lagu qarxiyey, waxaana xigay rasaas xooggan iyo ciidamo dhulka ah oo weerar ku qaaday. Sarkaal ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in diyaarad nooca la hago ah ay sawirtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, kadibna ay ku rideen hoobiyayaal balse ay awoodi waayeen in ay joojiyaan. Marka laga soo tago askarta ay ka dileen Askarta Kenya ayaa sidoo kale lagu waramayaa in Al-shabaab ay dileen dad rayid ah.
Warka ku saabsan in Al-shabaab ay dileen guddoomiyihii Kulbiyoow ayaa waxaa warbaahinta u sheegay dadka deegaanka, ma jirto cid kale oo warka xaqiijin karta. Ugu danbeyntii, Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ku dileen weerarkii 57 askari oo ka mid ahaa ciidamadii saldhiga ku sugnaa.