Guddoomiyihii Garabka Dhallinyarada Xisbiga Ee WADDANI Iyo Xubno Kale Oo Xabsiga La Dhigay +Sababta

0
65

xxxx

Hargeysa (Hubaal) Ciidanka xaalada deg dega ah u tabo-baran ee RRU-da loo yaqaan oo maanta hawlgal ka fulinayay Agagaarka dhismaha Hotelka Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde ayaa ka kaxaystay goobtaasi, Gudoomiyihii garabka dhallinyrada xisbiga Waddani, Maxamed Sidiiq Dhame iyo tiro suxufiyiin ah.

Goobta laga xidhay xubnahan ayaa ahayd Huteel marwada Madaxweynuhu leedahay oo dawladda hoose ee Hargeysa ay ka fulisay hawlgal ay ku baneenaysay dhismayaasha ku yaallay, waxaanay ciidanku halkaasi ka qabqabteen dad looga shakiyay inay wadeen is-hortaagis amar.

Ciidanku waxa ay la wareegeen wadooyinka soo gala Hotelka sidoo kale waxa ay joojiyeen dhaq dhaqaaqa dadweynaha goobaha maraya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here