Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyihii hore ee gobolka daadmadheedh Farxaan Xasan Cabdi ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland iyo ku-xigeenkiisa, Mud. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Ismaaciil Seylici.
Farxaan Xasan Cabdi oo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadda haatan waqtigeedii dhammaaday ee Madaxweyne Siilaanyo, kuwaasi oo kala ahaa badhasaabkii gobolka Salal iyo sidoo kale guddoomiyahii gobolka Daadmadheedh ayaa fariinta hambalyadiisan oo uu Hubaal soo gadhsiiyay waxay u dhignayd sidan;
“aniga oo ku hadlaya magacayga waxaan halkan hambalyo uga dirayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland iyo ku-xigeenkiisa, Mud. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Ismaaciil Seylici. Anigoo ku boggaadinaya tartanka xalaasha ah ee xisbiga Kulmiye kaga guulayastay labada xisbi qaran ee kale. anigoo ku kalsoon Madaxweynaha la doortay yo ku-xigeenkiisuba ay halkaasi kasii ambaqaadi doonaan wixii qarankan u qabsoomay Waxaan leeyahay mudane madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, adiga iyo ku-xigeenkaaguba Alle haydinku asturo xilkaa balaadhan ee qarankani idiin igmaday. Waxaan mar labaad idin leeyahay guul iyo gobanimo u horseeda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”
Wabilaahi Towfiiq
Farxan Xasan Cabdi