Hargeysa-(Hubaal):-Isbedel habboon, horumar la mahadsho iyo hiigsiga nolosha horumarkeedu fogyahay waxaynu ku gaadhi karaa midow bulsho, fikir fayoow iyo hogaan shacbi oo daacadnimo iyo dadaal halbeegiisu yahay. dabaylaha isbedel doonka bulshadu ku cuganayaan kamid noqonshaha isbedelka haboon oo dalka lag hirgeliyaa waxa marag ka ah baaxda taageerayssha xisbiga Waddani ka kasbaday dhamaan gobolada dalka, isbahaysiga siyaasiyiinta miisanka leh ee ku midoobay fikirka ee kusoo qulqulaaya.
Xisbiga Waddani wuxuu naruuro nolol soo ifaysa u yahay tahay bulshada dayaca badani ka muuqdo.
mabaadida iyo qorshyaasha aan mala awaalka ahayn ee kaabayaashooda wataa ee xisbiga waddani ku sifaysan yahay hiragalkoda waxa marag ka ah haldoorka isku bahaysatay. intii hore u joogtay haldoorka hada kusoo biiray iyo aqoonyahanka mufakiriinta hiyigooda ay ka guuxayso ka mid noqoshada Xisbiga waddani wuu soo dhawaynayaana waxaanu kusoo dhawaynayaa xisbi furan oo u baahan fikir aqoon iyo aragti hufan wuxu kusoo dhawaynayaa xisbi qaran oo bulshada danaheeda inuu ka dhabeey u taagan, Xisbi loo aasaasay midnimada wadairka walalnimada iyo waxwada qabsiga somaliland.
Waxaan hanbalyo kal iyo laaba hawada u marinayaa rugcadaaga indheergaradka iyo siyaasiyiinta isbedel doonka ah ee xisbiga kulmiye kasoo diga rogtay kuna so biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, siyaasiyiintan oo miisan iyo milge ku leh somaliland.
xisbiga kulmiyena hore u ahaa lafdhabratiisa. masuuliyiintan oo badidoodu hayay xilal isugu jira wasiiro agaasimiyaal badhasaabo iyo masuulin kale oo saluugay maamul xumada baahsan ee xisbi xaakimkan Kulmiye badhkoodna iyagoo wax hagaajinaya ay galaaftay daacadnimadoodu xilkana laga qaaday muddoyin kala duwan,, masuuliniinta oon ku kalsoonahay inay cudud taageero iyo waxqabad muuqda kusoo kordhin doonan xisbiga Waddani, dhamaantooda waan hanbalyaynayaa anoo ku hadlaaya afka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani.
Siyaasiyiintani waa hordhac waxaanay sahan u yihiin masuuliyiin badan oo kusoo jira jidka isbedel doonka, hirka guushu wuu muuqda waxaan rajaynayaa in illaahay inooga dhigo isbedel aynu mahadino oo aynu ku nasano geediga horumar doonka ee soo taxnaa sannadaha badana in illahay inooga dhigo xisbi horseeda oo rumeeya riyada shacabka. xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waa xisbi sal baaldhan oo ay ka wada muuqdaan dhamaan deegaanada somaliland bari ilaa galbeed waxaana markhaati ka ah siyaasiyinta xushay ee kasoo kala jeeda dhamaan deegaanada somaliland, muxaafidka beenta bulshada ku asqeeyana waxay u tahay dacaayad soo afmeerantay, qolyihii reer kulmiye ee hinaasaha Waddani ka siiyay waa xisbi qabiilna way ku quus qaadan haday damiiir fayoow iyo fahan hagaagasani ku hadhay filimaayo inay runta qiri doonaane.
Waddani waa xisbi u aasaasan ka dhabaynta himilada bulshada, ka rumaynta qorshayaasha mustaqabl ee barnaamijkiisa ku suntan, ka midha dhalinta dadaalka bulshadu lasoo kufaa kacaysay saddex iyo laabtanka sanno, abuurida nolol haboon oo bulshadu ku nasto.
horumarinta iyo shaqo abuurida dhallinyarada tahriibka halakeeyay.
barnaamijka Waddani buug la buuxshay maaha ee waa barnaamin u qaabaysan kala horaysiinta baahiyaha bulshadu siday u kala mudan yihiin, Waddani wuxuu simidoonan dhamaan bulshada xaqa dalka ku leh, Waddani waa xisbi u furan qofkasta oo fikir waxtar dalka u leh uu hiyigiisu ku jiro, waa xisbi sinaan caddaalad bulshada ugu adeegi doona, waxaan dhamaan soo dhawaynayaa inta horumarka iyo isbedelka jecel waxaanan ku dhiiri gelinaayaa dhallinyarada aqoonyahanka ah in xisbigu u baahan yahay aqoonta da’yarta awooda dhallinta iyo aragtida caafimaadka qabta ee dhallinyarada, si aan u helno xuquuqda dhallinyarada ka maqan waa in aynu ka mid noqonaa oo aynu ku darsanaa fikirkeena isbedelka iyo qorshe dejinta xisbiga si mustqabla aynu u helno garoon siyaasadeed oo danaheena ayn uka dheehano. Waddani wuxuu saami ahaan siiyay dhallinyarada boqolkiiba todobaatan, fikirka dhallinyaraduna waa muhiima waxaan alaga tixgeliyaa jaangoynta hawlaha xisbiga waxaanay ku leeyihiin saamayn togan. dhamaanteen guul somaliland guul iyo gobonimo.
Gudoomiyaha ku meel gaadhaka garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani
Maxamed Sadiiq Cabdilaahi