Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan waxaan ugu mahadnaqayaa inuu Golihii Odayaasha ka dhigay Gole Wasiiro oo Labaad isla markaana Xukumadda Siilaanyo ka tirsan!!
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan waxaan ugu mahadnaqayaa inuu Golihii Odayaasha ka dhigay Gole Wasiiro Labaada oo Xukumada Siilaanyo ka tirsan!!
GUURTIDA GARNIQIS-XUMO AYAYNU MAALIN DHAWAYD KU BARANAYE,
MAANTANA MA WAXAY NOQOTAY GARABKA SIILAANYO EE KULMIYE!
SALEEBAAN GAALNA WAXAAN UGU MAHADNAQAYAA…………….
Assalamu calaykum dadwaynaha sharafta lehoow Gude iyo Dibadba
Waxa lagu jira xiligii laga guurayay Xukumad tayo xun oo wixii ay ku dhaqaaqdaaba aanu gawracnayn! Waligiin miyaa islahaydeen Guurtidaa ayaa u jawaabi Mucaarid! Mase tahay ujeedadii iyo Waajibkii Qaran ee loo igmaday in Shirgudoonka Guurtidu noqdo Af-Hayeenka Xukumadan Kulmiye!!!! ??
Iminkuun baynu ogaanay in Badh ka mida Guurtidu ay yihiin kuwo aad uga damqanaya inaan xukumadan, iska daa in Doorasho lala galoo, laba dhaliili Karin! Bal ogaada waliba Taariikhda intii Somaliland xoriyadeeda dib ula soo noqotay may dhicin G/Guurtidu mar qudha Mucaaridka ugu hiiliyay siday maanta ugu dhiiratay: lama dhaliili karo xukumadan Siilaanyo!!!!!!!!!!!!!!!!
Iminkuun baynu ogaanay in Badh ka mida Guurtidu ay yihiin kuwo u badheedhay Garabka Muusahaa kolba la leeyahay iminkana sidaanu ku nidhaa yeel, inkastoon aaminsanay in waxyari ka si yihiin, inay ahayd Guurtidu mid Muraad wayn iyo Majare fogi uu kaga baaba`ayay hadii Gartii Kulmiye ay Cadaalad u qaadi lahayd!
Iminkuun baynu ogaanay in Badh ka mida Guurtidu ay ku haasaawaan Taariikh Cusub miyaynaan samayn mar hadii Subeer Awalkii lahaa M Biixi ayaanu ku garabtaaganay Hankiisa Musharaxnimo, mar hadaynu Reer Shaani Awal Sh Isaxaaq u bixinay, dabadeedna ku aamusiinay RRU !!!
Iminkuun baynu ogaanay in Badh ka mida Guurtidu ay yihiin kuwa Xukumadan ku dhiirii galinaya: KALSHAALE AYNU QABSANO! Taasi socon wayday oo Beeshii Dhulbahante dhirbaaxo kulul ayay kala kulmeen. Hadana Subeer Awal waa kan muuse shaani inagu wareeriyee wuxuu yahay aynu tusno! Taas si layaable ayay ugu guulaysteen oo muusee wuxuu noqday nin aan Xantiisa Suuqaba ogayn. Xanta suuqa ay kuu galiyeen qolada kulmiye waa: isaga iyo reerkiisii dhinac taagnaa Reer Shaani Sheex Isaxaaq ayaanu u bixinay ! Markaasaad dhiiranaantaada leedahay mucaaridku ma hadli karaan!
Godobta kuu taal madaxtooyadu way badantay laakiin ta ugu wayn ee maalin dhow lagu odhanayo caddee waxay tahay: Ragii Djabouti qarxiyay maanta ku dhowr iyo labaatan ayay joogaan hargeisa ee maxaad Waranmadoobe Warancadoow u qabanwayday hadaad ogaatay shaanidaan tuuray !!!! ????
Hadaan intaas ka gudbo , Miyaa wali aragteen Guurtida oo ka hadlaysa shaqaaqada iyo Adyada xukumadu ka wado deegaanada somaliland gudaheeda ah ? jawaabtu waa maya. Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan waxaan ugu mahadnaqayaa inuu Golihii Odayaasha ka dhigay Gole Wasiiro Labaada oo Xukumada Siilaanyo ka tirsan!! Hadaba Xukumadan Siilaanyo iyo G/Guurtida badh ka midi waxay jecel yihiin in Baliga ay isku haystaan umada walaalaha ahi in lagu kala adkaado oo waa sheeko Kalshaale kale. Laakiin war uma hayaan, mana oga in aan Kobtu Kobtii ahayn oo siday doonayaan iyaga iyo xukumadu aanay xaajadu noqonayn.
Tan ay leeyihiin doorashadii waanu qabanaynaa waxay la mid tahay: NIN DAAD QAADAY XUMBO CUSKAY!
Waxa jira Group 7 (G7) horena waan idiinku sheegay waxaanu dhamaystirnay sidii aanay doorashada dib ugu dhigi lahayn anagoo adeegsanayna xeelado badan oo IR iyo Local Political Strategy-ba leh. Bal haloo wada joogo umadu siday rabto iyo sidaa rabtaan tay u dhacdo.
Shaqsi uma jawaabo, Af-xumana Umada uma horseedo, Taasaynu isku ognay Akhristeyaasharafta lehoow.
SANWAA CUMAR YARE