Gudoomiyaha KULMIYE Oo Sheegay In Wasiirrada Dabayl-raacay Loo Kitaab-deyi Doono

0
35

“Waxa la Is Weydiin Doonaa Miyay ka Hor Yimaadeen (Wasiirradii Iscasilay) Barnaamijkii Xisbiga,  Haddii Ay Noqoto HAA Oo  Waliba ay Si Abaabulan Uga Horyimaadeen, Xeerka Xisbigu wuxuu Tilmaamayaa In ……”

Hargaysa (Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga talladda Somaliland haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ahna Murrashax ka mid ah tartameyaasha u ordaya murrashaxnimadda madaxweynaha ee xisbiga dhexdiisa, ayaa  ka hadlay Wasiirradii iyo masuuliyiintii kale ee iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda, waxaanu tilmaamay in  Xisbigu wax iska weydiin doono sidii abaabulayd ee ay isku casileen haddii lagu helana sharcigu jidaynayo in la marin doono tallaabada uu xeerka xisbigu jidaynayo. Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu ku xusay in xubnaha is casilay aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin geedi-socodka xukuumadda, isagoo tilmaamay in Golaha Wasiirradu ay yihiin adeegayaasha madaxweynaha oo aanay lahayn wax go’aan siyaasadeed ah oo ay keligood qaadan karaan.

Photo file Guddoomiyaha Xisbiga talada Dalka Haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi
Photo file Guddoomiyaha Xisbiga talada Dalka Haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi

Muuse Biixi Cabdi oo ay Salaasadii todoobaadkan laanta af-soomaaliga ee iddaacada Maraykanka ee VOA-du khadka telefoonka ku waraysatay waxa uu xusay inuu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu cidda uu u arko inay xisbiga xilkiisa ka soo bixi karto uu taageero, waxaanu yidhi  “Madaxweynuhu waa Guddoomiyihii xisbigan aasaasay, madaxweynuhu caalamka oo dhan haddii uu xilka ka degayo waa khasab inuu cid u soo dhiso oo u soo barbaariyo.Markaa ceeb ma aha haddii uu aniga ama qof kaleba uu soo jeediyo oo uu yidhaahdo qof kaas ayaa ku habboon. Waxay ila tahay madaxweynuhu ma aha Komishaneer u dhex ah xisbiyadda. Maadaama oo uu odaygii xisbigan soo aasaasay yahay, waa ku waajib inuu cid taageero oo hawshaas ka bixi kara, mana ah wax laga cadhoodo,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

“Waxay ila tahay saamayn ku yeelan maayo, marka hore Wasiirradu waa dhawr iyo konton sagaal ayaa is casilay. Waad arragtaan oo dawladii way dhisan tahay. Ta labaad dawladdu waa dawlad madaxweynuhu maamulo oo madaxweynuhu awooda leeyahay. Ma aha dawlad baarlamaan ku fadhida, ninka Wasiirka ah madaxweynaha ayaa shaqadda qora. Wasiirraduna waxay madaxweynaha ka kaaliyaan hawshiisa  iyo siyaasad gaar ah iyo awood ay leeyihiin oo gooni ahi ma jirto.”

Guddoomiye Muuse Biixi oo  la weydiiyay saamaynta ay yeelan karto iscasilaada xubnaha Wasiirrada ahi, waxa uu yidhi “Wasiirradani waa qof aqoon-yahan  ah oo madaxweynuhu uu karti ku doortay, beri buu dooran karaa, maanta wuu eryi karaa. Waxay ku xidhan tahay siday isku casileen ayaa horta sharciga loo eegayaa. Xisbiguna xeer ayuu leeyahay  qofkii ku gefa xeerkaas waa lagu ciqaab mariyaa.”

“Waxa la is weydiin doonaa miyay ka hor yimaadeen (Wasiirradii Iscasilay) barnaamijkii xisbiga iyo xukuumadda. Haddii ay noqoto HAA inay ka hor yimaadeen oo waliba si abaabulan uga horyimaadeen. Xeerka xisbigu wuxuu tilmaamayaa in tallaabooyin laga qaado. Haddii ay arrin iska caadi ah noqotana qofku xisbigiisii wuu iman karaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here