GUDOOMIYAHA XAFIISKA IMTIXAANAADKA QARANKA OO KORMEER KU SOO MARAY QAAR KA MID AH DUGSIYADA IMTIXAANKU KA SOCDO

0
16

Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka mudane Daa’uud Axmed Faarax ayaa kormeer ku soo maray dugsiyada Gacan Libaax iyo Salaama kuwaasi oo ku yaala magaalada hargaysa, halkaasi oo uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Dhexe iyo dugsiyada sare. Gudoomiyuhu waxa uu u kuurgalay habsami u socodkaimtixaanka iyo sida ay maamulka iyo ilaaliyayaasha imtixaanku u wadaan hawlaha. Gudoomiyuhu ugu horeyn waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay dugsiga Gacan-libaax, waxaanu mid mid u galay dhammaan fasalada imtixaanka ay ku galayeen ardaydu, waxaanu ardayda u soo jeediyey in ay si kalsooni ah uga shaqeeyaan isla markaana ay ka waantoobaan qishka iyo wixii ka xumayn kara imtixaanka ay ku jiraan. Dhanka kale Gudoomiye Daa’uud waxa uu ardayda u sheegay in cidii lagu qabto qish in imtixaanka laga saari doono isla markaana uu waayi doono natiijada imtixaankaasi.

Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu kormeerkiisaasi ku soo maray dugsiga gaarka looleeyahay ee salaama halkaasi oo ay imtixaanka ku galaan arday ka kala timi dugsiyo kala duwan oo ka tirsan magaalada hargaysa, waxaanu mid mid u galay fasalada dugsigaasi kuwaasi oo xiligaasi ku jirey maadadii ugu danbaysay ee maalintii seddexaad ee imtixaanka shahaadiga ah. Dhanka kale Gudoomiye Daa’uud Axmed Faarax waxa uu masuuliyiinta goobaha imtixaanka iyo ilaaliyayaashooda ba kula dardaarmay in ay sii labanlaabaan dedaalkaa iyo xilkaa ay qaranka u hayaan si loo soo saaro arday aqoon ku soo baxday oo berito dalka iyo dadkaba anfacda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here