Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka Oo Ka Muquurtey Xaflad Lagu Amaanayo Madexweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa Oo Lagu Suntey Xuska 26ka Juun

0
54

islamarkaana, aad muuqaalka guud moodo in loo fadhiyo xuska tacsi loogu baroor diiqayo hogaamiye qaran, ayaa waxa guud ahaanba kamadhnaa xafladaasi Gudoomiyayaasha sadexda xisbi Qaran

Hargeysa(Hubaal)- Xaflad lagu Sntey Xuska maalintii Somaliland Maxmiyadii Ingiriiska ka qaadatey Xornimada ee 26ka Juun ayaa, lagu qabtey Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Magaalada Hargeysa
Xafladan oo aheyd mid mooraalkeedu aad u liito islamarkaana, aad muuqaalkeeda guud aad moodo in loo fadhiyo xuska tacsi loogu baroor diiqayo hoggaamiye qaran, ayaa waxa guud ahaanba kamadhnaa xafladaasi Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka Somaliland, oo xukuumadihii hore ee soo marey Somaliland ku maamuusi jireen Axsaabta Qaranka, waxaana siweyn looga dhadhansanayey xafladan oo shacbiga reer Somaliland qeybo kamid ahi kala socdeen shaashadaha Talafishanada HorncapleTv iyo ka dowlada, waxaa sigaar ah looga dhadhansanayey qabanqaabada xafladan in aan habayaraatee, lagu martiqaadin Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka, oo iyaguna kaga jawaabey,in aaney kasoo daahirin xafladan lagu amaanayo

 

 

gudoomiyayaasha

Madexweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa aaney xiligan wax niyad ah u haynin guud ahaanba qeybaha ugu badan ee Shacbiga Somaliland, taas oo sigaar ah looga dareemayo amaanta qaawan ee ka muuqda goosgooska fanaaniintu kusoo bandhigeen xafladan.
Gudoomiyayaasha sadexda Xisbi qaran ee Somaliland Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Golaha Waiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro), iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa iyagu ka muquurtey in ay ka qeyb galaan guud ahaanba Xafladan lagu amaanayo Madexweyne Siilaanyo, waxaanay wararka ka ag dhow qasriga Madaxtooyada Somaliland daaha ka rogeen in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo mudooyinkan dambe ah hogaamiyaha Wufuuda Xukuumada ayaa ka masuugey in uu ku casuumo xuska xafladan hogaamiyayaashaasi qaranka ee haybada karaamada ku leh dalka, waxaanay ajiibeen fariinta jeesjeeska ah ee Wasiir Xirsi u dhoobawalaaqayo masuuliyiinta mudnaanta ku leh qaranka oo marka ay madsahan oo kale fadhiyaan Somaliland haybadeeda kaalin mug leh ku leh.
Sikastaba ha ahaatee,munaasibadan maalmaha qaranka Somaliland ku suntan oo ah 26kii juun 1960kii maalintii Somaliland xornimadeeda ka qaadatey Gumeystihii Ingiriiska mudo imika laga joogo 54 sanadood ayaa u muuqata mid la isku cayn iyo beyd gooyay oo aan laheyn martabadii Qaranka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here