Gudoomiye Cirro Oo Iska Casilay Xubinimadii Golaha Wakiilada Iyo Bedelkiisa Oo La Shaaciyay

0
155

Hargeysa, (Hubaal)-Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu gabi ahaanba baneeyey xubinimadii xildhibaanimo ee uu ka ahaa golaha wakiilada Somaliland kana tirsanaa golahaasi muddo dheer oo 12 sano ah.

Shabakada Aftahannews oo ay soo gaadhay warqad uu Murrashax Cirro ku socodsiinayo shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland kuna cadaynayo inuu baneeyay booskaas xildhibaanimo ayaa waxay u dhignayd sida tan

 

Ku:- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

 

Og:- Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada

 

Ujeedo:- Banayn Xubinimadii Golaha Wakiilada Somaliland

 

Mudane Gudoomiye

 

Aniga oo ah mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaan manta oo taariikhdu tahay 10.October .2017 iska casilay xubinimadii golaha Wakiilada Somaliland.

 

Waxaan gole waynaha u rajaynayaa guul,shaqo wanaagsan iyo xil gudasho wanaagsan,sidoo kalena waxaan Illaahay ka rajaynayaa inuu quweeyo dalkeena Somaliland,dadkiisana Barwaaqo ku mannaysto.

 

Allah Mahad Leh

 

Dr Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Cirro).

 

Mudanaha booskan uu baneeyey murrashax Cirro soo buuxin doona ayaa Ramaasnews xog ay heshay lagu sheegay inuu yahay Abwaan Gaaxnuug oo ka soo jeeda gobolka Saaxil,isla markaan ahaa sida naloo sheegay xildhibaankii xagga codka kusoo xigay murrashax Cirro.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here