Hargeysa (Hubaal)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa gashaanka ku dhuftay qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku doonayso inay isku ladho diwaangelinta codbixiyayaasha iyo diwaan gelinta madaniga ah ee muwaadiniinta, isla markaana wuxuu soo bandhigay qorshayaal Xukuumaddu ku doonayso muddo kordhin.
Sidaana Gudoomiye Cirro wuxuu ka sheegay mar uu shalay khudbad ka jeediyey munaasibad huteelka Grown ee magaalada Hargeysa , xisbiga Waddani ugu sameeyay Fannaanada Sahra Halgan oo ku biirtay xisbigaa, waxaanay khudbadaasi u dhignayd sidan:-”Arrimaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka,Bishii May 2013 waxa bilaabmay inay isu yimaadeen,Komishan doorashooyinka Qaranka,Saddexda Xisibiga Qaran, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo, Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Waxa la isku waafaqay in qaranka Somaliland u baahan yahay, diiwaan gelinta muwaadiniinta ( civic registeration), Waa arrin muhiim ah oo qaranku u baahan yahay. Wax xeer ah oo dhaqangal ah oo lagu maamulo arrintan ma jiro. Waana hawl qaadan karta waqti dheer ugu yaraan afar sanno iyo wax ka badan, marka la sameeynayo diiwaan gelin dhaxal gal ah. Waa diiwaan gelin aan dhamaad lahayn , qof kasta oo dhasha waa in diiwaan geliya, ka dhintana laga saaraa. Waa arrin axsaabta qaranku taageertay Waxaa lagu heshiiyey inaanay caqabad ku noqon diiwaan gelinta codbiyeyaasha
Diiwaagelinta cod bixiyeyaasha Waxa waajibiyey xeer 37/2007 xeerka diiwaan gelinta codbiyeyaasha Waxay sugaysaa inaan helo doorasho xalaal ah. Waxay tiir culus u tahay ammaanka iyo xasiloonida qaranka. Waa in liiska codeeyayaasha la helaa lixdan (60), cisho ka hor waqtiga dorashada eg. Lifaaqa 2-aad ee xeer lr 37/2007.
2. Waxa la isku waafaqay laguna wada saxeexay si wada jir ah xafiiska Wasiirka daakhiliga Mr. Cali Warancadde 11/7/2013-ka qoraal nuxurkiisu ahaa in Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha loo kala qabto si kala madax-bannaan oo is-barbar socod ah (Dual track approach), heshiiskaas oo loo diray Deeqbixiyeyaasha Caalamiga ah.
3. Deeq bixiyeyaasha waxa si wada jir ah loogu cadeeyey in labada diiwaangelinood si madax-banaan oo aan is dabrayn u kala qabanayaan Wasaaradda arrimaha gudaha JSL iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka, waxaana laga codsaday in farsamo ahaan iyo dhaqaalaha ahaan-ba inaga caawiyeen diwaangelinta codbixiyaasha, taasoo ay soo aqbaleen.
4. Si loo helo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo sugan waxa farsamo ahaan la soo kordhiyey in muwaadinka indhaha laga sawiro indhaha. Taasi waxay keentay in xeerkii diiwaan gelinta codbixiyeyaasha lagu sameeyo kaabis iyo wax ka bedel farsamo (technical), oo kooban.
5. Tijaabo ayaa la sameeyey in indhaha laga qaado muwaadiniin kooban. Waxa la ogolaaday in lagu noqnoqdo , hase yeeshe, waxa lagu guuleystay in la qabto dhamaan dadkii ku noqnoqday.
6. July 2013-ka waxa wasaaradda Arrimaha Guduhu xustay inay diiwaan gelinta madaniga lagu dhameyn doonto sagaal bilood, waxaad ogtihiin inaanay weli bilaabmin, muddo sanad ka badan ka dib.
7. Si loo muujiyo qaran ahaan in ay ka go,an tahay taageerada kala madax-banaanaanta diiwaangelinaha iyo doorashooyinka, waxa madaxweyanah JSL 17/11/2013 qoraal ahaan soo saaray qoraal nuxurkiisu ahaa in Madaxweynaha JSL iyo Xukuumaddiisuba ay taageersan yihiin Heshiiska Saddexda Xisbi Siyaasadeed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee kala madax-banaan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo ta Madaniga.
8. Bishii Feb 2014-ka waxa Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL qoraal uu ku socodsiiyey deeq bixiyeyaasha ku cadeeyey inaanay diiwaan gelinta madaniga ahi dabri doonin diiwaagelinta codeeyayaasha oo muwaadinka aan qaadan warqadda (card), aqoonsiga ay saraakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku siin doonan card-ka aqoonsiga goobta cod bixinta.
9. KDQ waxa ay xukuumadda u gudbiyeen dhamaadkii June 2014 kabis iyo waxa ka bedel farsamo oo kooban ee xeerka diiwaagelinta codbixiyeyaasha xeer Lr 37/2007.
10. Waxa Madaxweynaha JSL Somaliland Golaha Wakiilada u soo gudbiyey Golaha Wakiilada 19/8/2014 sida ku cad wareegtadiisa qabyo qoraalka waxka bedelka iyo Kaabista xeerka diiwaan gelinta muwaadiniinta iyo codbieyeyaasha xeer Lr 37/2007.
11. Xeer Lr 37/2007 waa xeerka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo keliya.
12. Hore xukuumadda JSL uma curin xeerka diiwangelinta muwaadiniinta , Baarlamaanka JSL ma ansixin xeerka diiwaangelinta muwaadiniinta, mana jiro xeer dhaqan gal ah oo la yidhaahdo xeerka diiwaagelinta muwaadiniinta. Taas darteed, suurtogal ma aha in kaabis iyo wax ka bedel laguma sameyn karo xeer aan hore u jirin.
13. Iyada oo xukuumadda gaar u kala keeni karta qabyo qoraalka xeerka diiwaan gelinta muwaadiniiinta iyo kabista xeerka diiwaan gelinta codbiyeyaasha , ma muuqato mana jirto sabab maquul ama sharci ooo kelifi karta la isku kabo xeer jiray iyo mid aan jirin. Tani waxay marag cad u tahay tuhunkii ahaa in xukuumadu qorsheynayso muddo kordhin waay qabyo qoraalka magaca cusub wata waxa uu isku xayirayaa labadii diiwagelinood ee kala madaxa banaana oo ilaa midi dhamaato aanay ta kale bilaambi karin.
14. Labada Gudoomiye ee labada xisbi mucaarid, ka dib markay xog waraysteen KDQ, kuna qanceen in qaybo qoraalka cusub ee madaxweynuhu baarlamaanka u gudbiyey aan ahayn kii KDQ u gudbiyeen uu dabrayana in diwaan gelinta codbiyeyaashu qabsoonto, waxay ergo ahaan ugu tageen Madaxweynaha JSL 23/8/2014 waxaan kala hadalay in labada diiwaangelinood aanay is dabrin madaxbanaanidoodana loo daayo. Waxa jawaab oo rasmi nagama soo gaadhin Madaxweyanaha.
15. Soomaalida maahmaahahooda waxa ka mid ah Jini ninkii keenaa bixiya. In kasta oo aan kalsooni ku qabo in Baarlamaanku ka gudan doono waajibkiisa, hadana waxa Xukuumadda ku waajib ah, iyada oo la eegayo midnimada qaranka, wada shaqeynta ha’yaddaha qaranka iyo ixtiraamka wixii lagu heshiiyo inay soo kala saarto labada xeer si diiwaagelinta codbixiyeyaashu u qabsoonto xilligii loogu talo galay.
16. Diiwaan gelinta codbixiyeyaasha waxa loo sameeyey qorshe hawleed taxane ah , tusaale
6 August 2014 waxa la shaaciyey teneder ka shirkadaha fulinaya diiwaa gelinta codbixiyayaasha.
23 Sept waxa xidhmaya araajida teneder ka.
7. October Waxa la shaacin doonaa cid ku guuleysata, 14 October Waxa loo saxeexi doonaa qandaraaska cidda ku guuleysata, 8 December 2014 waxa bilaabmaya diiwaa gelinta codbixiyeyaasha Haddii hal qorshe hawleed dib u dhaco waxa hubaal ah in doorashadu dib dhacayso.
Arrintaas waxaan ku soo gunaanadayaa in xukuumaddu soo celiso wada shaqeynta ha’yaddaha qaranka gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrimaha doorashadu, lana soo celiyo kala madax banaanaanta diiwaan gelinta muwaadiniinta iyo ta codbixiyeyaasha si doorashadu u qabsoonto waqtigeeda, loona soo celiyo kalsoonida deeq bixiyeyaasha oo dhaawacantay”.
Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani wuxuu ka hadlay cabashada ka soo yeedhaysa Beelaha Gobolada darifyada Somaliland ee Awdal iyo Bariga Somaliland. “Arrimaha kale Beryaha sidaad saxaafadda kala socoteen waxa joogay Hargeysa odayaasha Gobolka Awdal una joogay inay ka warbixiyeen xaaladda guud ee Gobolka. In kasta oon ognahay inaan nahay dal sabool ah oon dabooli karin baahiyaha aas-aasiga oo dhan , waxaan xukuumadda u soo jedinaynaa inay tixgelin weyn siiyaan arrimaha odayaasha Gobolka Awdal. Xisbiga WADDANI, waxa uu si buuxda u taagerayaa in qaranimada iyo xuduudaha JSL la difaaco. Shacbiga Somaliland meel kasta ha joogo waa muwaadiniin u siman xuquuqda. Waxaa xukuumadda xil ka saaran yahay difaaca sharaftooda iyo xuquudooda aasaasiga ah. Arrimaha Gobolka Sool gaar ahaan , waxaan soo jeedinaynaa inaan dagaalku noqon xalka 1-aad ee noqdo xal ugu dambeeya, wadahadalna lagu dhameeyo cabashooyinka iyo tabashooyinka shacbiga reer Somaliland ee deegaanadaas.”