Hargaysa, (Hubaal)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka hadlay eedaymo ay Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land u soo Jeediyeen Somaliland halka uu dhinaca kalena Sheegay in dawlada Turkigu aanay Waxba u ogolayn Somaliland.
Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo Xogwaran gaar ah siiyay Warbaahinta dawlada ayaa markii kowaad shaaciyay in dawlada Turkiga oo dhex dhexaadinaysa Wada hadalada Somaliland iyo Somalia ay ka Muuqato Sifooyin ay ku taageersan tahay Somalia isagoo Xusay in marka la is barbar dhigo mashaariicda ay ka hirgaliyeen Somaliland ay wax aad u yar tahay oo uu ku macneeyay Cad quudheed “Turkigu Wuxuu la Safan yahay Koonfurta Somaliland Waxba uma ogola Siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba,hal mashruuc kamuu dhisin Somaliland ama wax faro guudkooda oo cad quudheed ah .
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay in Turkigu aanu dhex ka ahayn wada hadalada u dhexeeya labada dal isagoo sheegay inay ka arrinsanayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen “Siyaasiyan uma muuqato nin dhexdhexaad ah waa arrin u baahan in lagala doodo oo la yidhaahdo maxay u dhacday,oo la yidhaahdo ama dhex baad ahaanaysaa ama arrintayda faraha kala bax,waayo dan baa naga dhaxaysa nin walba, Ninkaan aniga ii rarayn aniguna u rari maayo,Gaaladuna maxay tidhaahdaa dhabarka ii xoq ana aan kuu xoqee,Markaa Turkigu way muuqataa inaanu dhex u ahayn Somaliland iyo Somalia ee uu dhinac yahay ayaa muuqata waa cadaan waxaanu ka yeelayno iyo sidaanu uga doodayno anaga ayay noo taalaa”.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu Jawaab ka bixiyay eedayn ay maamul goboleedka Punt land u soo jeediyeen Somaliland oo ay sheegeen in Kooxaha argagixisada ahi ay kaga yimaadaan deegaanada punt land dhanka Somaliland waxaanu yidhi “Horta Punt land way Khaldan tahay waxay ku khaldan tahay in dhibaatada ku dhacday inay tidhaahdo Somaliland ayaa igu samaysay ma aha,Waxaa inoo taal inaynu iska kaashano wixii mandaqada dhibaato u keenaya hadii nin qori dab leh sitaa uu gurigayga ka soo baxo oo kaaga ku soo cararo waa inaan idhaahdo waaryaahe aniga isoo dhaafye adigu iska ilaali,Markaa anigu ilaahay mahadii waanan dadaalay waanan feejiganahay oo dagaal Ayaan kula jiraa,ana waan iska ilaalinayaa cid kale inay u gudbaan oo intay gurigayga ka baxaan ay cid kale ku duulaana waan iska ilaalinayaa” ayuu yidhi gudoomiye Muuse Biixi Cabdi