Gu’ga Caddaaladda Oo Curtay Iyo Hay’adda Shaqaalaha Oo Shaacisay Soddon Kaalmood Oo Shaqo-doonku Si Furan Ugu Tartami Doonaan

0
77

Gudaha Ka Akhri sida ay ku yimaaddeen kaalmahan shaqo Oo Taariikhda Markii Ugu Horraysay ay Da’yarta Shaqo-doonka ahi sida furan Ugu Tartami Doonaan

sharmaarke guddoomiyaha hay'adda shaqaalahaharma

Hargeysa:(Hubaal)-Hay,dda Shaqaalaha dawlda Somaliland ayaa, markii ugu horeysay taariikhda shaacisay in dhammaanba da’yarta shaqo la’aanta ka cabanaysa ee reer Somaliland ay si furan oo caddaalad ah ugu tartami doonaan 30(soddon) kaalmood oo ka bannaanaaday wasaaradaha kala duwan ee Somaliland.

Gudoomiyaha hay,adda shaqaalaha dawlad Somaliland  Md. Sharmaake  Axmed Muxumed Geelle oo shalay warbaahinta kule hadalay xafiiskiisa, ayaa sheegay inay talaabadani kor u qaadayso kal soonida shaqo-doonka Somaliland ee ku nool gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo tirsanayo shaqo la’aan.

War-saxafadeed uu guddoomiye Sharma’are u qabtay warbaahinta  oo muhiimadiisu ahayd baahinta 30 kaalin shaqo oo lagu qaadi doono imxitaankooda caasimada gobolka Sool ee Laasacanood ayaa waxaa kasoo qayb galay badi warbaahinta kala duwan ee dalka , iyadoo gudoomiyuhu qudbad dareen gaar ah abuurtay madasha baahinta ka jeediyey isagoo madasha ka hadlayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa ” Saaka waxaan halkan warbaahinta isugu yeedhnay in aan baahino kaalmo shaqo oo si furan loogu tartami doonno, iyadoo tartamaayaasha ku soo guulaysta ka shaqo gali doonaan wasaaradaha:

1- W/Madaxtooyada

2- W/Maaliyada

3- W/Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

4- W/Duulista

5- W/Caddaalada

6- W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta

7- Kaaliye-yaal Maxkamada Sare

8- Golaha Baarlamaanka

Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu muujiyey sida ay tallaabadani guusha ugu tahay guud ahaan qaranka Somaliland oo baahi weyn u qaba in da’yartiisu hesho fursad shaqo oo loo wada siman yahay, “maanta waxay farxad u tahay guud ahaan qaranka iyo gaar ahaan shaqo doonkii ciilka badan ka qabay helida caddaalad iyo tartan loo siman yahay, waxay bog cusub u tahay kor u qaadida qalinka iyo dabar goynta qabyaalada , waxay maalin cad u tahay intii caadaalada jeclayd, waxaanu xusay in ay jawaab u tahay qof walba oo qaran la wada leeyahay jeclaa,” ayuu yidhi Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle.

Gaba-gabadii kulanka ayuu gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Mudane  Sharmaake Geelle xusay in aanay kaalmahan shaqo kamid ahayn kuwii ku jiray miisaaniyada 2017-ka ee hakinta ku jiray, balse ay yihiin kaalmo ururis ah oo isugu jira kuwa ku bannaanaaday shaqo ka tagis, anshax marin iyo dhimasho, waxaanu sidoo kale sheegay in maalinta la furo miisaaniyada 2017-kana sidaas oo kale loogu tartarmi doono.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here