Gulufka Dhaqaale Goobka + Gabi-dhaclaynta Sheekh Samaale Iyo Gelallafka Kastamka Berbera

0
23

Berbera,(Hubaal)-Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Samaale oo kaashanaya Maamulaha Kastamka Magaalada Berbera Maxamed Cabdi Gurxan, ayaa soo hindisey shax-cusub oo looga gol-leeyahay meel-marinta qorshihii shaqadda lagaga fadhiisiyey hawl-wadeenadii qiimaynta Baddeecadaha ee Kastamka Berbera, isla markaana loogu sahlayo Afarta xubnood ee Caasimada laga waaridey sii wada-shada hawlaha shaqo ee loo igmaday. Ma jiro War amuurtan ku saabsan oo ilaa iyo hadda ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda.

Hase-yeeshee, xoggo Wargeyska Yool ka helay dhinacyo kala duwan oo xidhiidh la leh Maaliyadda iyo Kastamka Berbera, ayaa qaarkood waxa ay sheegaan in Wasiir Samaale u gudbiyey Maamulaha Kastamka Berbera qorshe cusub, kaasoo ka kooban laba weji, oo isugu jira dejinta Soodhaha ama Xaraaradda shaqaalihii hore ee Waaxada qiimeynta Baddeecadaha, iyo sidoo kale wejiga Labaad oo ah surto-gelinta habkii shaqaalaha cusub ee Afarta ka koobani usii gudan lahaayeen hawlihii loo igmaday si nabad-gelyo ah, waxa kaloo, wararku intaa ku dareen in Wasiirku faray Maamulaha Kastamka Berbera kulan inuu la yeesho xubnihii ka hawl-geli jirey Waaxda qiimaynta Baddeecadaha, isla markaana ku qanciyo in aanay jirin cid kale, oo iyaga shaqada looga saarayaa, sidaa darteed-na hawsha meesha ka socotaa ay tahay Siminaar, loogana dan-leeyahay in iyaga lagu baro farsamooyinka casriga ah ee lagaga shaqeeyo Kastamada wadamada horuumaray, intaas kadib-na Afarta xubnood marka ay usoo geb-gebeeyaan hawalaha Tababarka ay dib-ugu-laaban doonaan Magaalada Hargeysa.

SAMAALEEGeesta kale, wararka amuurtan la xidhiidha, ayaa sheegaya in qorshani qayb ka yahay hindise Wasiirka Maaliyaddu ku damacsan yahay inuu ku surto-geliyo sidii Wasaaradiisu u heli lahayd dakhliga Karkaarada jebiyey, kuna cad Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka dawladda ee Sannadka 2015-ka, iyadoo sida ilaha qaarkood tibaaxeen uu jiro darreen isa soo taraya oo laga qabo in Wasiirka Maaliyadu ku hawlan yahay siduu qiimo-korodh ugu samayn lahaa Cashuurta laga qaado Badeecadaha Ganacstadu dibedda ka keento.

Docda kale, khubaro ku takhasusay arimaha dhaqaalaha, ayaa si weyn u naqdiyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka ee Somaliland, oo weli hor-yaal Aqalka Wakiilada Somalialnd, waxaana kamid ah arimaha Khuburadaasi hoosta ka xariiqeen qaabka ama nidaamka loo go’aamiyey korodhka/koboca dhaqaalaha dalka, kaasoo sida ay xuseen jaan-goyntiisa ay saldhig u yihiin arimahan hoos ku qoran;

Arrimaha go’aamiya koboca dhaqaale

Dhawr arrimood ayaa qayb ka ah koboca dhaqaale:

· Tirada iyo Tayada shaqada.

· Sare u kaca isticmaalidda khayraadka dabiiciga ah.

· Hanti-gelin qalabeed muuqata [Mishiino, Aalado, Dhismayaal, Agabyo iyo Alaabo Dheeraad ah].

· Aqoon Tiknoolajiyadeed.

Haddaba, marka la isu geegeeyo mulaaqa-maamul ee ka jira ilaha dakhliga, tabashooyinka shaqaalaha hore iyo kan cusub, iyo sidoo kale, jiho-la’aanta siyaasadeed ee ku habsatay dhaqaalaha dalka, waxa marag-ma-doon ah haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban arimahaas in burbur dhaqaale, oo aan laga soo kaban karin uu dalka soo food-saari doono.

Wargeyska Yool

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here