Hargeysa, (Hubaal) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland, Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo ayaa sheegay in Shaqaalaha Wasaarada Warfaafintu ay ka dambeeyeen Xaruntii Isgaadhsiinta ee dhawaan gubatay ee Wasaaradaasi iyo sidoo kale Idaacada Radio Hargeysa qaybtii la hadlaysay dibada oo iyaduna mudooyinkii u dambeeyey fadhida oo uu sheegay Wasiirku in la fadhiisiyey.