Ilaallada Wasiirka Oo Baas Kaga Jawaabtay Rasaasta Ninkani La Beegsaday Iyo Warar Is Khilaafsan Oo Ka Soo Baxay In La Qabtay Iyo In Kale.
Hargeysa (Hubaal):- Nin Hubaysan ayaa habeenkii xalay ahaa weerarray Guriga uu magaalada Hargeysa ka deggan yahay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, isla markaana waxay Ciidammada Ammaanku sheegeen inuu ka baxsaday goobtaas oo uu Rasaas ka furay, halka ilaalada Wasiirkuna Rasaas ugu jawaabeen. Inkasta oo sida uu Baahiyey Horn Cable TV xalay aanay Rasaasta Ninka Hubaysan iyo ilaallada Wasiir Waran-cadde is-waydaarsadeen wax khasaare ahi ka dhalan, haddana waxa uu TV-ga oo xusay inuu soo xiganayo Ciidammada Booliska Somaliland ilo ka tirsan in Ninkaasi ka baxsaday Goobta ama Gurigaas uu weeraray. Ma jiro wax war ah oo uu weerarkan ka soo saaray Wasiirku, hase-yeeshee, waxa uu Horn Cable TV, baahiyey in Ninkaasi uu ka mid ahaa Qaraabada Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, isla markaana uu sidoo kale ka mid ahaa ilaalada Beerta ay ku dhaqan yihiin Libaaxyada uu Hargeysa ku rabbaysto Wasiir Waran-cadde. Dhinaca kale mar xalay uu Wargeyska Hubaal dabagal ku sameeyey dhacdadan iyo halka ay salka ku hayso isla markaana ay xidhiidho kala duwan la samaysay laamaha amniga ayaa ilo wareedyo ku dhereran ciidammada ammaanku waxaa ay wargeyska HUBAAL u sheegeen in ninkani aanu xiskiisu dhammayn oo uu xanuunsanayay, kana mid ahaa ehellada xaafadda, isla markaana ay ciidammada ammaanku gacanta ku dhigeen oo haatan la qabtay. Si kastaba ha ahaatee waa markii u horreysay ee masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland oo xil amni oo xaasaasi ah u qaabilsan dawladda madaxweyne Siilaanyo lala beegsado gurigiisa weerar ama rasaas.