GURMAD: Milicsiga Tix Abwaan Gaariye Ku Dardaaray Musharrixiintii Doorashadii 2005-tii

0
427

Tixdan Gurmad wuxuu abwaanku ka tiriyey ololihii doorashooyinka baarlamaanka Somaliland ee sannadkii 2005. Wuxuu abwaanku ka digayaa ku shubasho iyo musuqmaasuq. Wuxuu leeyahay ninkii sidaa sameeyaa wuu eedayaa. Wuxuu kaloo tilmaamayaa in aan gari laba ruux ka wada qoslin ee kolleyba mid uun helayee, kiina laga helo inuu samro, kuna qanco natiijada. Wuxuu kaloo leeyahay caddaaladda iyo garsoorku waa muhiime, yaan xaqa iyo xormaynta laga tegin. Wuxuu yidhi:abwaan gaariye

Gun baa haan laga unkaa;

Duq baa geel loo tubaa;

Gaw baan ka aqaan durbaan.

Waxaa geed lala kacaa,

Genkaad tahay erey la da’ ah;

Gefkana bashar baad u tee,

Haddaad ka garowdo khalad

Gob bay tahay caadadeed.

Waxaan godobtiisu hadhin

Gar aad leeduu og yahay

Nin kaaga masuugay gole.

Waxaa gabay lagu saxdaa

Candhuuftu geftaa dalqada

Markuu milil guud ka dhayo.

Golxoo dhammi maaha dhalan

Mar bay ged kaleeto tahay;

Dibnoo ku gariira iyo

Gengada waxa keenta been.

Waxay tixdu gaabsataa

Damiirku markuu gam’aa;

Hadduu hal ku seego geed

Waxaad gocataa hurdada.

Intaa guntay oo dhigee;

Hadduu geeraar wax taro,

Maxaan gelin dhexe onkoday!

Maxaan goohay oo tallamay!

Adoo gabbalkaagu dumay,

Maxaan gudcur baajiyoo

U daaray cadceed geyiga!

Maxaan galab oogay shamac!

Waxaan guurow marshiyo;

Waxaan subax loogay gool;

Hadday gees kaa mareen,

Maxaad farta iigu godi?

Dhegtaada soor-gad lehe,

Miyaan girifgirif yaraa?

Maxaan godladaa araar;

Shabeelkaan gurboodku dhalay

Ku idhi waxa gooyey aar,

Saw kii Alla-gawrac yidhi

“Mayee waxa laysay garo”.

Haddaan guga kuu kordhaa

Gabow mooyee ku tarin

Garaad iyo waaya-arag,

Illayn wax ma dhaantid geed!

Intaa guntay oo dhigee

Ku soo noqo goobta iyo

Garoonka ciyaarta taal.

Xilligu waa goor wax-saar,

Gegaa lagu dheelayaa

Shacbigu ka gar-soore yahay.

Waxaa guul sheegan kara

Cidday u gartaan iyagu.

Haddaad tahay guur-u-meer

Garaabo adoon qubqubin,

Adoon ummadda isku gubin,

Dadweynahan soo gab yidhi,

Waxaad ka gadayso mari!

Abaalkana waa gudnaa

Waxaad noo gashee horiyo

Gadaal waxaad maagantahay

Bal noo sheeg waa golee,

Waxay dadku kaa guntaan.

Kol ay tahay, Gaafanoow!

Haddaad gallad weydo kale:

“Estii” gudahaan ahoo

Ri’ baan beri gees ka riday.

Intaa guntayoo dhigee;

Nimay kala gees yihiin

Inuu libintiisa gado

Ninkii yidhi guul ka dhigo,

Gub baa kaga dhacay halkaa.

Ninkii yidhi: ‘gaal dil oo

Gartiisana sii’ ma maqal,

Xaqsoor nin ku gaadhi kara!

Rag uu ka dhaxeeyo geel

Hadduu kala geeyo damac

Waxaa isu gaysa dane,

Allow garansii nin moog!

Galool mudhay oo farcamay

Dhuddaa goonyaha ku fiday

Hadday kala gaar yihiin

Guntay ka midaysan yihiin.

Haddaad Garas diiddan tahay

Ku koob dirirtaada Garas.

Ha nicin gobolkuu ka yimi!

Ha giijin xadhkaa ha jarin!

Ha goyn waxa laysu yahay!

Magliga gacal loola baxay

Gondaa uma dhaadhacdee,

Ha gaadhin laftoo ha jabin,

Afkaagana godob ka dhawr!

Mar baa jirta gumuc la riday

Galaafto ninkii ridee,

Nin iinloow, daa gujada!

Waxaa bir kuu gooya talo

Markay gondihiisa taal

Nimaan geshigiisa dayin.

Adoo wax ka gaws qabsaday

Mar baa gefka loo liqaa

Inaan danta guud murkacan.

Intaa guntay oo dhigee;

Garaadkaygaan hadlee

Allow haygu gubin aqoon,

Gar eexana hayga tegin!

Haddaan eego gees kalena;

Gedday tahay dheesha taal

Inuu hebel guul heliyo

Inuu gudbiwaayo hebel

Galaasku halkaa ma yaal,

Nimaan garanoow u toos!

Waxay eegayaan guddida,

Galbeed iyo Bari ka yimi,

Inuu dadku yahay dad gaya

Waxay baadi goobayaan.

Waxay eegayaan guddidu,

Inuu dadku yahay dad gaya

Inay u noqdaan gadh-wade

Dadweynaha Geeska Bari.

Fulow, guuli kuu dhawaa!

Xilliga guuraynayaa

Hadduu kaa tiro gedmaday;

Hir baa laga guurayaa,

Mid baa lagu geeddi yahay.

Waxaan goobayaa hangool

Farraarkiisiyo gantadu

Midkoodba ku yaallo geed.

Wax baan ka garaabayaa;

Wax baan misna gocanayaa;

Lammaanaan is geyin,

Intaan guri wada furaan

Haddana garac diidayaa.

Hortayda bir baa ku go’ay

Hareerta god baa ka qodan

Gadaal uma laaban karo.

Giraangir wareegta iyo

Dhig baa lagu guud socdaa.

Waxaan gudayaa habeen,

Wuxuu galayaa saqdhexe

Waxaan gudbayaa biriish

Biriish ku dul taagan gees

Gafuur wiyileed ka baxay.

Waxaa girgir qaanso sudhan,

Warkaba aan gaabiyee,

Raggii go’ay wuxu u go’ay.

Haddaan eego gees kalena

Waxaan gabbal ka arkayaa,

Cirkaan u samroo godladay.

Hadduu gelin toomanaa

Wuxuu galay Weerarow

Ayaankaygii gar-dhalad.

Ciyaartuna gebaggebiyo

Waxay joogtaa gamtii

Halkay ku gudhaysay talo.

Gefkana xeer baa ka yaal;

Ninkii ku kacaa xad-gudub

Wuxuu geleyaa off-side,

Allow garansii nin moog!

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here