“Guryaha ku xiga Madaxtooyada Haddaad Eegto oo uu leeyahay marxuun xashiish Derbiga[Lagu Xeeray] albaabka lagama xidhin, waxay ahayd sidaasoo kale in mashruucu [Masalluhu] noqdo mid waxtar u ah qaranka iyo degaanka oo aan abuurin iyo kala fogaansho”. Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi
Hargeysa (Hubaal):- Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo ka tirsan Madaxda Dhaqanka ee Somaliland, ayaa Wasiirka Wasaaradda Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi ku eedeeyey in Dayr Silig ah oo lagu xidhayo Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa uu si caddaalad-darro ah u wado, isla markaana uu dadka deegaankaas qaarkoodna marku ku hagaago ka duwayo, qaarna uu isagu si badheedh ah ugu hagaajinayo oo uu ku barakicinayo.
Boqor Raabbi waxa uu sidaa ku sheegay Qoraal uu galabta Warbaahinta soo gaadhsiiyey oo Nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews.com, waxaanu qoraalka Boqor Raabbi arrintaas Siligga Madaarka iyo kuwo kale-ba kaga hadlay ee na soo gaadhay u dhignaa sidan:-
“Uubaale waa meesha ay uga yimaadaan caasimada waxyaalaha daruuriga ah iyo nolosha bulshada ee lagama maarmaanka ah, taasoo ka dhigaysa muhiim in xukuumada, golayaasha deegaanka iyo shacbiguba ay siiyaan dadka dagan uubaale tixgalinta iyo qiimaha ay leeyihiin, sida ay iyaguba u siiyaan qadarin iyo walaaltinimo xukuumada iyo beelaha degan caasimada iyo shacbiga Somaliland.
Guud ahaan waxaana haboon in lagu dhaqmo xeerka madaniga ah qodobadiisa 806-820 oo cadaynaaya qofkastaa xaquu leeyahay deganaasho iyo qadarin lagu siiyo beertiisa iyo gurigiisa, waxaana uu sharcigu caddaynayaa Mulkiilaha Guriga iyo Beertu inay xaq u leeyihiin inay helaan waddo uu u maro Beertiisa iyo Gurigiisa oo uu kula xidhiidho deegaannada kale, arrintaasoo muhiim u ah wada-noolaashaha, deris-wadaagga iyo nabadgelyada.
Deegaanka Uubaale waxa ka soo unkamay Jameecada waxaana ka sii unkamay Hargeysa deegaankeeda, waana albaabkii iyo aasaaskii Caasimadda Somaliland, dadkeedu waa dad nabad jecel, Samo-talis ah, wax badanna u dul-qaata iyagoo ilaalinaya danta Qaranka, iyaguna waxa ay xaq u leeyihiin in la siiyo qaddarinta ay leeyihiin Cidda aan hore ula soconna taariikhdaa maqaalkani ha u noqdo deris.
Shacbiga deegaankaas oo aan ka mid ahay Madaxdooda Dhaqanka daacadda u ah ilaalinta danahooda iyo ilaalinta nidaamka dawladnimo waxaan u arkaa in meesha la yidhaahdo Masalaha ee kala qaybiyay Hargeisa iyo deegaanka Uubaale lagu wareejiyay Dayr, taasoo aan inta badan lagala tashan Wax-garadka iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda deegaankaas iyadoo ahayd in Wasaaradda Duulista Hawada, dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Wasaaradda Hawlaha guud ay dejiyaan qorshe raalli-gelin kara dadka deggan Uubaale.
Isla markaana, Xukuumaddu ay fushan lahayd nidaamkeeda, iyada oo la siinaayo dadwaynaha dagan uubaale xaqqa ay u leeyihiin inay helaan meel ay u maraan ama gurigooda waxaana layaab ah waxa manta kala xidhan beer nin leeyahay iyo gurigiisii oo mid waliba ku yaalo dacal oo uu kala jaray siliga lagu wareejiyay airport ka oo aan wali si toosa loo samaynin siliga oo ay ka muuqato hal ka leexi hebelna u leexi taasoo siliga ka dhigtay sidii kaadi dibi.
Tilamaan ahaan hadaad eegto darbiga madaxtooyada guryaha ku xiga oo uu leeyahay marxuun xashiish albaabka lagama xidhin waxaana la sameeyay darbi loogu talo galay madaxtooyada waxay ahayd sidaasoo kale in mashruucu noqdo mid waxtar u ah qaranka iyo degaanka oo aan abuurin iyo kala fogaansho dadwaynaha iyo xukuumadiisa.” Sidaa ayuu Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi ku yidhi Warkiisan qoraalka ah ee uu soo saaray.