Guryaha Line-Ka Booliska Ee Burco: Astaan U Taagan Ku Takri-Falka Hantidda Qaranka

0
151

Haddii aan deg-deg  wax looga qaban ama aan tallaabadaasi dib looga noqon. waxay waxyeello gaadhsiin-kartaa, Codkii markale Xisbul xaakinku dadweynaha Gobolka ka raadinaayey

Qalinkii: Siciid Warsame Cali

Maalmihii u danbeeyey Bulshada Magaaladda Burco ayaa waxaa ay markeliya ku waabiirsteen Guryihii uu dumiyey Wasiir Cali Mareexaan Ee Booliska Burco. isla-markaana uu ku sheegay in dib-u-dhis xukuumaddu ku samaynayso  loona rogaayo dhisme suuq-Ganacsiga ugu weyn S/land oo caalamiya , ka-dibna  Ganacsatadaasi  kiro laga qaadaayo, sida suuqa Gobanimo ee magaalada Hargeysa.Iyaddoo dadkii guryahaa deganaa , loo balanqaaday meheraddo ay ka ganacsadaan marka la dhiso ka-dib.Hadda waxa iswaydiin muddan in aynu iswaydiino su’aalaha:- haddii qorshuhu sidaa ahaa Seesaskan yaryari maxay yihiin?

Goorma ayaa la dhisay?

Yaa dhisay?

Waayo cidda loo dhisay?

Yaa leh Mulkiyadoodda?

Maxaa Bedelay Qorshihii Guud ee W/Hawlaha Guud soo Bandhigtay Cajiib. ?

Mee dhismihii Suuqii-Ganacsi?

Dhammaanba Su’aalahaasi waxay u baahan yihiin.  jawaabo ku filan oo shaafiya inay hellaan dadweynaha Burco iyo xaasaskii iyo agoontii ciidamaddii Booliska ee ku jirey guryahani markii hore , sidaasi awgeed bal aan isku dayno intii karaankeena ah in aan tafsiir ka bixinno waxaa dhici kara :

Waa ta koowaad’ qorshaha seeskani yaryar ee gaarka ahi waxay banaanka u soo saaraysaa, Qorshe-Xumidda , Aragti-gaabnidda,Boobka indho-la‘anta iyo Amni darida ka dhalan-karta Dhulkan la boobaayo Qorshihii laysku ogaa oo la bedelay iyo xaaladda ay suganyihiin Wasiirka Hawlaha Guud , Maayarka Burco .Ganactadda iyo raga kale ee hawshan wadaa.kuwaasi is dhacsiiyey hummaag been ah iyo weliba arintan ay wadaan oo ka dhigaysa rag gudcur madowna gudayaa.kana faaideysanayaa xiliga kala-guurka ah.

Haddii laga kaaftoomay dhismaha suuqii ganacsiga .waxaa xaq u leh inay ku soo noqdaan. dadkii Booliiska ahaa kuwaasi loogu talo galay in ay degaan ama ku noolaadaan khaasatan kuwooda xaaska ah, taasoo ah xuquuq ay leeyihiin ahayd maadaama mushaharka ay qaataan had iyo goor wadda dabooli karin, daryeelka baahida qoyska iyo aqal ay kiro ka bixiyaanba.

marna ma dhici karto. mana aqbali karaan dadweynaha Burco iyo Askartii Booliska ee guryaha ku jirtay. inay eegan karaan boobkan ku dhacaya mustaqbalkii iyo aayihii ummadda.

Si kastaba ha ahaatee xaaladdan . seesaska yaryar ee laga bineeyey guryaha booliska ee badhtamaha Burco ayaa ku noqotay Bulshada Burco Gudde iyo dibedba, xaalad aan la liqi karin, meel ka dhacna ku ah sharaftii, karaamaddii iyo sumcaddii Xisbiga Kulmiye ku lahaa Gobolka Togdheer,   Haddii aan deg-deg  wax looga qaban ama aan tallaabadaasi dib looga noqon. waxay waxyeello gaadhsiin-kartaa, Codkii markale Xisbul xaakinku dadweynaha Gobolka ka raadinaayey.

Gebagebadii Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa la gudboon, in ay iska qabtaan oo aanay cidna uga haybaysan ashkhaasta ku hawlan magac-dilkoodda.

Qalinkii: Siciid Warsame Cali

Burco/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here