Guud ahaan Somaliland Oo Maanta Laga Oogay Salaad Roob Doon Ah

0
39

Hargeysa (Hubaal) Waxaa saaka gabi ahaanba gobolada iyo degmooyinka Somaliland laga oogey salad roob-doona oo wasiirka diinta iyo aw-qaafta Jamhuuriyada Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ugu baaqay inay bushadu tukadaan.  Hadaba shacabka ku nool magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta isugu soo baxay oogista salaad roob-doona.

salaada roob doonta

Salaadan roob-doonta oo lagu tukaday Garoonka waawayn ee Hargeysa Staduim ee Magaalada Hargeysa iyo sidoo kaleqaar ka mid ah masaajidada waawayn ee Gudaha Hargeysa.

Qaar ka mid ah golaha wasiirada Xukumada Somaliland ayaa shacab waynaha Hargeysa Salaadii roob-doonta kula tukaday Garoonkaasi.

Dhanka kale guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa waxa maanta si wayn looga ogey salaada Roob doonta ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here