Waxaa Soo Diyaariyey: Aadan Yuusuf Cilmi
Dhawaan waxa dalka Somaliland laga qabanayaa doorashaddii sadexaad ee hannaanka xisbiyada badan oo ah one man one vote. lakiin waxay dooranayaan shacabka Somaliland Madaxweynihii shanaad , iyaddoo ay markani Mansabka hogaamineed ay u taagan yihiin Musharaxiinta kala socda Sadexda Xisbi Qaran : Ucid, Kulmiye iyo Waddani , sadexda musharaxnimo madaxweyne isu soo taagay 2 0 1 7 . Aan ka milicsano taariikh nololeedkooda oo kooban musharaxiintaasi.
Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga UCID ENG ”Faysal Cali Waraabe.
Eng. Feysal Cali Waraabe, waxaa uu dhashay sannadkii 1948. magaalada Hargeysa. Ka-dib Waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay Hargeysa iyo Boorama sannadihii 60-yadii. 1965kii ilaa 1968kii wuxuu ku jiray machadkii tababarka macallimiinta Lafoole ee Afgooye. Sanaddii 1968 ilaa 1973 wuxuu waxbarasho jaamicadeed ee engineering-ka siiba qaybta dhismaha ku soo qaatay Jaamicadda Leningrad ee dalka Ruushka.
1974 ilaa 1976 wuxuu ENG. Feysal Cali Waraabe ahaa isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobollada Bay iyo Bakool ee Soomaaliya. Isagoo 1976 ilaa 1981 ahaa Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo Dhismaha ee Wasaaradda hawlaha guud Wadanka Somalia. 1981i ilaa 1984, Feysal Cali Waraabe wuxuu noqday Madaxii engeneerada dowladdii Hoose ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sanadaddii 1984 ilaa 1990, wuxuu guddoomiye u ahaa Shariikad xagga dhismaha ah oo la odhan-jirey Ayaan.
Markaas ka-dibna , Waa 1991kii Eng. Feysal Cali Waraabe iyo Qoyskiisuba waxa ay u haajireen dalka Finland si uu u sii wato waxbarashadiisa sare. Jaamicaada Helsinki ayuu galay, oo uu ku soo Bartay Xidhiidhka Caalamiga ah.
Feysal mudaddii uu joogay Finland wuxuu madax ka noqday ururada Jaaliyadaha Somaliland ee dalkaasi iyo Yurub.
1994 ilaa 1996, Eng. Feysal Cali waraabe koox ayuu Afhayeen noqday aqoonyahanno qurba-joog Somaliland ahaa, isla-markaaana u soo gurmaday xallinta colaadihii la soo dersay xilligaasi dadka Somaliland.
Sannaddii 2001, wuxuu ka mid ahaa aasasayaashii xisbiga Caddaaladda iyo daryeelka ee Ucid, oo guddoomiye uu ka noqday, iyadoo uu sidoo kale ahaa musharaxa madaxweynaha ee tartanka doorashadii Somaliland sanadaddii 2003 iyo 2010. Faysal Cali Waraabe Waa Nin Siyaasadda Somaliland Kusoo Jiray 20kii Sano Ee U Dambeeyay. Laba Jeer Oo hore Ayuu Tartamay,Feysal wuxuu mar kale hadda u taagan yahay murashaxnimada kursiga madaxweynaha ee Xisbiga UCID, iyadoo jagada madaxweyne ku xigeenka uu xsibiga Ucid u soo sharaxay Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan oo ka soo jeedda Gobolka Sool .
Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye. Muse Xuseen Cabdi-(Muuse-Biixi).
Muj. Muse Xuseen Cabdi-(Muuse-Biixi). Waxa uu dhashay taarikhdu markii ay ahayd-1948, Waxa uu ku dhashay Galbeedka Hargeysa tuullo yar oo ku taalla. oo u dhaxaysa Arabsiiyo iyo Fara-wayne .
Xiligii barbaaritaankiisi wax-barashaddii ugu horeysay waxuu ka bilaabay dugsigii Sheekh-Baraawe oo markaa ku yaalay dooxa-Hargeysa agagaarkiisa . Wax-barashadiisi hoose dhexe waxa uu ka bilaabay dugsiga hoose dhexe ee Biyo-dhacay ku-sinaan taarikhdu markii ay ahayd 1959-kii isagoo wax-barashadiisi kalena ku soo qaatay Camuud.
Sanadkii 1970kii waxa uu ka mid-noqday Ardeydii loo-qaatay in loo-soo tababaro carbiska saraakiisha , waxuuna ku soo-qaatay waddanka ruushka Akadammiyada-Barashada Cilmiga duulimaadka diyaaradaha gaar ahaan nooca dagaalka (Fighter-bomber aircraft-M28). Soo-noqadkiisi waxa uu ka mid-noqday Ciidamadii cirka ee Soomaaliya kuwoodii ugu cad-cadaa xaga ciidamadda Militeriga dhinaca cirka . siiba wakhtigii dagaalkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977kii.
Muse Xuseen Cabdi-(Muuse-Biixi) markale waxa uu aqoontiisa dhanka ciidanka cirka ku soo-qaatay waddanka Maraykanka kuliyadii –(Virginia Military Institute -VMI) Kooras kooban oo-ahaa mudo hal-sano iyo badh. Muuse Xuseen Cabdi-(Muuse-Biixi intaasi waxii ka danbeyey waxa-uu-u xuubsiibtay dhankii halganka iyo kacdoonkii xaq u dirirka ee-SNM.xiligii uu qaatay go’aankii SNM waxa-uu ku guda jiray waxbarashadii u-markaa u joogay waddanka maraykaynka oo bil-keliyi uga hadh-santahay in uu dhameeyo soona afjaro.
1985 Bishii May Muuse waxa uu si toos ah ugu biiray Jabhadii SNM. Jabhadda SNM waxa uu ka soo qabtay xilal kala gadisan. Muuse waxa uu soo agaasimay in badana ka soo shaqeeyay Shirarkii faraha badnaa oo dhinaca Nabadaynta Somaliland ahaa, sida shirkii Baligubadle ee lagu doortay Gudoomiyihii SNM ugu danabeeyey Marxuun Abdiraxmaan Axmed Cali waxuu ahaa gudoomiyihii shirkaasi , shirkaasi. Doorashadii Gudoomiyaha Ururkii SNM C/raxmaan Tuur 1990 Baligubadle. sidoo kale waxuu hormood ka haa shirkii Burco, Sheekh iyo Shirkii Boorama ee lagu doortay Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal ALLA haw naxariistee , xukuumaddii ka dhalatay sanadkii 1993 kiina, uu ka noqday Wasiirkii Arrimaha gudaha iyo Amniga JSL. Xisbiga Kulmiye oo la asaasay laguna dhawaqay 26/5/2002 ,ka-dibna 2002 Bishii Desember u gudbay oo ka mid noqday Xisbyadii Qaran ee Somaliland.ayuu ka noqday Gudoomiye ku-xigeen Kulmiye, waqtigaasi oo laba jeer uu Madaxweynaha JSL, Md Siilaanyo musharax ka ahaa. markii uu guuleystay Madaxweyne S/land Md Axmed Siilaanyo. ayuu si toosa u noqday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
10kii bishii Nov 2015 – Ayaa Muse Xuseen Cabdi-(Muuse-Biixi) loo doortay inuu noqdo musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye u matalaya doorashada madaxtooyada ee sanadkan qabsoomaysa. halka jagada madaxweyne ku xigeenka uu xsibiga kulmiye-na u sharaxan yahay. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici)
oo ah Madaxweyne ku-Xigeenka Somaliland.
Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani. Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cabdiraxman Cirro)
Md. Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cabdiraxman Cirro ), Waxa uu dhashay-taariikhdu markay ahayd 1955–Magaaladda Hargeysa.Anbe qaadkii wax-barasho waxa uu ka bilaabay Magaaladda Berbera oo uu ku qaatay wax-barashadda Dugsiga hoose, Isagoo geedi socodkii wax-barasho ee kale uu ku soo-qaatay dugsigii dhexe iyo kii-sare Magaaladda-Sheekh,(Sheekh-Secondery School-1977).
Intaas waxii ka danbeeyey Mudane-Cabdiraxmaan-Cirro,waxa uu u jeeni qaartay wax-barashadiisii sare oo uu ku qaatay meelo farro badan oo kala duwan. Shaahadadda-MBA,waxa uu ka qaatay SIDAM-Collage –Muqdisho.
Shaahadooyinka kale ee uu qaatay waxa ka mid ahaa sida-Shahaadda Degree, oo uu ku qaatay wadanka Masar(Institute of National Planing in Cairo Egypt) Postgraduate -African Institute Moscow Rusia).
Sidoo kale Wax-barashadiisa kale waxa kale oo uu Shaahadadda sare ka qaatay sanadkii 1983-1985 (Bachelor of Science-BSC,USA South Corolina University ). Sidoo kale isla waddanka Maraykan waxa uu ka qaatay shahaadadda (Master of business administration MBA- Newyork State University).
1977-1978,Waxa uu ahaa macalin wax-barasho dugsigii hoose-dhexe ee magaaladda Oodweyne.
1981-1988, Waxa uu ahaa u-qaybsanaha Madaxa-waaxda iskaashiga dhaqaalaha W-Arrimaha Debedda ee dowladii Soomaaliya.
1988-1991-waxa uu ahaa qunsulkii- safaaradda Dowladdii Soomaaliya u fadhiyey Moscow Wadanka Ruushka.
1997-1998,waxa uu ahaa hanti-dhowrka waaxda-socdaalka ee Finland. Sida oo kale waxa uu ahaa (Project Assistant International Organization for Migration (IOM) Finland). Xilalka kale ee uu qabtay waxa ka mid ahaa in uu ahaa xoghaya (Somali Social Democrat (SDP).
Marii danbe waxa ka mid ahaa,Asaasayaashii Xisbigga-Ucid oo uu ka ahaa xubintii xoghayaha arrimaha debadda ee Xisbigga-Ucid iyo Ku-xigeenkii guud ee xisbigga-Ucid isla markana ah Sii-hayaha jagada xoghayaha guud ee xisbiga Ucid 2003. sanadkii-2005 . Mudane Cabdiraxmaan Cirro,waxa uu u tartamay ka mid-noqoshadda tartankii xubnaha golaha wakiiladda Somaliland gaar ahaan xildhibaanadii iska sharaxay Gobalka Saaxil-Barbera.isla-markaana wuu ku guuleystay oo noqday xildhibaanaddii golaha wakiiladda xisbiga Ucid uga soo baxay gobolkaasi . ka-dibna waxa uu u tartamay Shir-Guddoonka golaha wakiiladda (the chairmanship) halkaas oo uu markale ku guulaystay in uu ahaado Gudoomiya Golaha-Wakiiladda-Somaliland.madamaa uu yahay musharax madaxweyne sanadkan ayuu iska casilay shir-gudoonkii iyo xubintii wakiiladaba.
2012 kii Tartankii ururada siyaasadda ee Somaliland kadib, waxa soo baxay xisbiyo loo aqoonsaday sadexda Qaran ee Ucid iyo Kulmiye oo xisbiyo hore ahaa iyo Xisbiga Waddani, oo ahaa ururadii cusbaa ee la furay markaasi , waxaa Gudoomiyaha ilaa waqtigaasi ahaa Gudoomiye Md, Cabdiraxmaan cirro . 22 Oct 2016 – ayaa Mudane Cabdiraxmaan Ciro Oo Loo Doortay Musharaxnimada Madaxwayne Ee Xisbiga Wadani.halka jagada madaxweyne ku xigeenka uu xsibiga waddani uu u sharaxan yahay. halka musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigana loo doortay Musharax Maxamed Cali Cabdi.
Xigasho:
Eng Feysal Cali Waraabe
BBC Hargeisa (Ahmed Said Egeh)
Muse Xuseen Cabdi- (Muuse-Biixi) – Wikipedia.
Cabdiraxmaan M Cabdillaahi-Cirro ( Salaanmedia)
Waxaa diyaariyey: Aadan Yuusuf Cilmi