Hargeysa (Hubaal) – Madaarka diyaaradaha Hargeysa, ayaa waxa ka bilaabmay ganacsi suuq Madow ah, kaasi oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya.
Suuqan sharci darada ah, ayaa waxa bilaabay isla-markaana ka wada shaqeysta Shaqaale hoosaadka diyaaradda Itoobiya iyo Taliyaha laanta socdaalka ee Madaarka Cigaal ee Hargeysa.
Shaqaalaha diyaaradda Itoobiya iyo Taliyaha laanta socdaalka ayaa iska kaashanada inay diyaaradda Itoobiya saaraan shaqsiyaadka sita Baasaaboorrada ajaanibka ah ee sharci darada ah.
Taliyaha ayaa la sheegay in qofka doonaya inuu raaco diyaaradda Itoobiya, laakiin sita baasaaboor sharci daro ah uu ka qaado lacag caddaan ah oo cadadkeedu dhan yahay ilaa $ 2000 doollar. Lacagtaasi oo ay marka dambe ay la qaybsadaan shaqaale hoosaadka diyaaradda Itoobiya ee dadka rakaabka ah ka eega baasaaboorradooda inta aanay diyaaradda fuulin.
Waxa la xaqiijiyey in marka uu Taliyaha laanta socdaalku uu Baasaaboorrada sharci darada ah ku dhufto shaambadda (Exit) ay shaqaalaha diyaaradduna fududeeyaan in qofkaasi uu diyaaradda ku raaco baasaaboorka sharci daradda ah ee loo fiiseeyay. Shaqadaasi oo ay shaqaalaha diyaaraddu ku muteystaan in qayb laga siiyo lacagta laga qaadey qofka sita baasaaboorka sharci darada ah.
Warka, ayaa intaasi ku daraya in taliyaha laanta socdaalka u jooga Madaarka Hargeysa ay arrimaha noocan ah u fududeeyeen awood dheeraad ah oo uu ka helay Wasiirka duulista hawada ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi oo la wariyey inay is xigaan.
Taliyahaasi ayaa la sheegay inaanu wax amar ah ka qaadanin Taliyaha guud ee laanta socdaalka Somaliland, Gaashaanle Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro), laakiin uu ka amar qaato Wasiirka duulista oo la tilmaamay inuu la socdo hawlaha sharciga ka baxsan ee uu masuulkani ka fushado gudaha Madaarka Hargeysa.
Suuqa noocan ah, ayaanay la soconin taliska ciidamada laanta socdaalka Somaliland, inkasta oo la sheegay in dhowr jeer oo ay ku war-geliyeen taliyaha laanta socdaalka ee Madaarka Hargeysa inuu ku soo wareejiyo Baasaaboorro aan sharciyeysnayn uu diiday isla-markaana awood loo waayay in laga qaado. Taasi oo muujinaysa in masuulkani uu awood dheeraad ah ka haysto wasiirka duulista Somaliland, oo laga soo xigtay inuu ugu bushaareeyay in inta uu wasaaraddan joogo uu isaguna Madaarka Cigaal ku sugnaan doono, cid ka bedali kartaana aanay jirin.
xigasho: Dhamays media