Guuddoomiye Muuse Biixi Oo Ka Warbixiyay Ujeedada Socdaal Uu Dhawaan Xisbigiisu Ku Soo Kala Bixiyay Magaalooyinka Iyo Degmooyinka Gobolada Bariga

0
21

Hargeysa (Hubaal) Guuddoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka warbixiyay safarkii dhawaan uu xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminaya ku tagey isla markaana socdaalo ku soo kala bixiyay qaar ka mid ah magaalooyinka iyo degmooyinka gobolada Bariga Somaliland,wariyaha shabakadda Hadhwanaag Najax Aadan Cunaaye oo wareysi ka qaaday guddoomaha xisbiga Kulmiye ayaa ugu horeyn waxa uu waydiiyay waxyaabaha ay kusoo arkeen weftigii xisbigiisu gobolada Bari intii ay safarka kusoo mareen,waxaana uu guddoomiye Muuse Biixi Cabdi isagoo ka jawaabaya yidhi;

Muuse Biixi“Alxam-dulilaah,goboladaas waxaanu ku soo aragnay marka hore nabad guud,waxaa jirtay Kalliil kulul inkastoo immika uu roobku u da’ay waxaanu ku soo aragnay dad wanaagsan oo qarankoodana u dadaalayaiyaguna nabdoon,noloshana u dedaalaya mid waliba hawl uu hayaba,mid xoolo dhaqaaya,mid beer falaaya,mid gaadhi wadaaya mid waddo samaynaya. Dad aad ugu mashquulsan danaha qaranka ayaanu kusoo aragnay,dad is ogol oo dhexdooduna nabadi ka jirto qarankoodana ilaashanaya intooda badanina xisbigan Kulmiye taageersan baanu kusoo aragnay”

Guddoomiye Muuse Biixi oo la waydiiyay ujeedada safarka xisbigiisu ku tagey gobolada Bariga Somaliland ayaa yidhi “Dee ujeedadu waxay ahayd,waa hawl maal-meedkii xisbiga waxaanu soo eegaynay xisbiga xafiisyadiisii wixii naga qabyo ah,waad ogtahay oo immika waxaa nasoo galay wakhtigii doorashada ama June ha noqoto ama muddo yar oo ka dambaysa ha noqotee kolay waxaanu galnay xili doorasho,dee markaa waxaanu soo xidhanaynay suumanka xafiisyadayadii,taageerayaashayadii,dadkayagii Taallo xisbi dhisid,is gii-giijin dee waxaanu u diyaar garoobaynaa hawlaha soo socda” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi

Guddoomiye Muuse Biixi ayaa la waydiiyay aragtida mucaaridku ka bixiyay safarka xisbigiisu xiligan ku tagey gobolada Bari kuwaas oo ku tilmaamay mid olole ah,waxaana guddoomiye Muuse Biixi isagoo arrintaas ka jawaabaya uu yidhi “dee horta erayga ololaha waa in la micneeyaa haddii erayga si wacan loo qeexo macnihiisa oo xeer loo dhigo uu xeer leeyahay,dee waxa markaa la eegayaa in laga gudbo in kale.

“horta wakhti doorasho maaha oo wakhtiga doorashada waxa muddeeya guddida komiishanka waa kala jaad xisbigu muxuu u socdaa iyo miyuu ololaynayay way isu eekaan karaan oo mar walba xisbi baa socda waanu hadlayaa laakiin anaku immika wax doorasho ah oo olole ah iyo hebel baa noo sharaxan iyo musharaxaas noo doorta midna maanaan gelin. Dadka waxaanu kala hadlaynay xisbigeenii maxaa inaga dhiman,maxaa inaga xun,maxaa inoo wanaagsanaaday affartaa sanno,kala maanaan hadlayn fagaareyaasha laga ololeeyo kudbadahayagu may ahayn kuwo olole waxaanu ka hadlaynay meelo yar-yar oo xafiisyadayada ah waxaanu la shiraynay taageerayaashayada oo qudhay ahaayeen caalamadihii ololaha ee buuqa ah maanaan samayn markaa waxay ahayd hawl xisbigu qabsanaayay ee may ahayn hawl olole,haddii dee ninka nagu eedeeyana waxay u baahan tahay in la isla eego oo la yidhaa bal micnee halkee ololuhu ka jiray iyo siduu u eeg yahay” ayuu yidhi Muuse Biixi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here