“Dr. Yuusuf Maxamed Cabdi, Wasiirka Horumarinta Maalliyadu Wuxuu qorshaynayaa ka midho dhaliyo Barnaamijka Maaraynta Maaliyadda Qaranka (PFM)” – W/Q: Axmed Muuse Daahir,
Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda, ayaa guulo waaweyn oo la taaban karo ku tallaabsatay muddada kooban ee ay xilka haysay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo talada dalka la wareegay 13 December 2017. Haddaba, tan iyo intii xilka Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay Dr. Yuusuf Maxamed Cabdi oo ah aqoonyahan khibrad iyo waayo-aragnimo dheer u leh nidaamka shaqo ee wasaaradda madaxda looga dhigay oo uu muddo badan shaqaale ka ahaa, waxa uu hirgeliyey tallaabooyin waaweyn oo wax weyn ka beddelay hannaankii maamul iyo hawl-qabadkii maaliyadeed ee wasaaraddiisu qaranka ugu xilsaarnayd. Waxa uu guud ahaan shaqaalaha iyo madaxda kala duwan ee waaxyaha wasaaradda ka dhex abuuray jewi wada-shaqayneed oo buuxa, kaas oo si weyn u dardargeliyey hawl-maalmeedkii shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda. Waxa uu kastamada oo ah hawlbaha dakhli-ururinta dalka u magacaabay masuuliyiin aqoon iyo ammaano leh oo aad kor ugu qaaday dakhliga qaranka. Waxa uu qorshe cusub u dejiyey maamulka iyo qaab-hawleedka waaxyaha kala duwan ee wasaaraddu ka kooban tahay, kaas oo suurtogeliyey in la helo nidaamka isla-xisaabtanka. Waxa uu hirgeliyey Xeer-nidaamiyaha Kastamada (Costumes Regulation), badeecadihii aan ku cashuur-dhaafka sida gaadiidka, raashinka qaarkii iyp qalabka dhismaha oo dad gaar ah marmar lagu naas-nuujin jiray si sharci-darro. Wuxuu joojiyey dhammaan gaadiidkii shaqsiyaadka gaarka loo iibin jiray, danaha gaarka ah ka doortay ilaalinta danta guud ee qaranka. Waxa meesha ka baxay xil-u-magacaabista qof cid gaar ah danaynayso nooca uu doono ha noqdee. Waxa iyaguna meesha ka baxay shaqsiyaadka loo yaqaan Af-ku-xoogle-yaasha ee marmarka qaar ku duduuci jiray Wasiirka Maaliyadda inuu qaato go’aamo qaato. Sidoo kale, waxa uu gebi ahaanba meesha ka saaray qandaraasyo iyo maalgelin hantida qaranka looga sameeyo shirkado gaar ah. Dr. Yuusuf Maxamed Cabdi wuxuu iska fogeeyey inuu xidhiidho gaar ah la wadaago qaar ka mid ah warbaahinta kala duwan ee dalka. Wuxuu qorshaynayaa ka midho dhaliyo Barnaamijka Maaraynta Maaliyadda Qaranka (PFM), isla markaana u xulo dad aqoon iyo karti u leh barnaamijkaas si ay dalka ugu soo hirtaan bangiyo iyo caymisyo caalami ah, kuwaas oo fure u noqonaya in dalka Somaliland helo maalgasho ballaadhan iyo horumarka uu hiigsanayo. Dad badan ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku taageeray hannaanka yididiilada leh ee ka muuqda Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Axmed Muuse Daahir,
Hargeysa, Somaliland