Guurku waa aasaaska nolosha bini, aadamka, reebitaanka taranka iyo dharginta shahwada
bini’aadmiga ah ee uu Ilaahay ku abuuray, iyo sidii loo maarayn lahaa. Ujeedooyinka guurkuna waxay iskugu soo ururaan arrimahan:
- In la ilaaliyo taranka iyo jiritaanka bini,aadmiga Quraankuna wuu inoo sheegay((“Dadoow ka dhawrsada Eebihiina idinka abuuray nafkaliya(Aadam) kana abuuray xaggeeda haweenaydeeda(Xaawa) kana abuuray rag iyo haween badan”)) (An-Nisaa:1) waxa kale uu yidhi Ilaahay sarreeye xumaan ka dheeraatee ((“Eebe wuxuu idinka yeelay nafihiina azwaaj(qaybo) wuxuuna idiinka yeelay Haweenkiina carruur iyo farac”)) (An-Naxl:72)AA
in Ilaahay la raaligaliyo
- in ubad caafimaad qaba oo ina dhaxla laga tago oo la garanayo nasabkooda iyo abtirsiintooda, oo adduunka sumcad iyo aqoon ku soo kordhiya markaasna inoo soo duceeya inagoo godka ku jirna
in laga gaashaanto sinada iyo foolxumada fasaadku leeyahay
iscaawin ka dhex dhalata labada isqaba, gabadhu waxay qaban oo ay maamuli waxyaabaha Ilaahay u fududeeya ee ah maamulitaanka guriga iyo barbaarinta ubadka, ninkuna waxa uu ka soo shaqayn sidii uu masruuf u keeni lahaa, kana hadhayn lahaa guriga dhibaatooyinka dibada kaga imanaya.
- Xasilooni ay helaan nafta, fikirka, jidhka, anshaxa iyo asluubta qofku iyadoo ay kobcayso is jeclaanta iyo isku naxariisashada labada qof ka dhaxaysa, ninku marka uu ka soo rawaxo shaqadiisa ee uu guriga yimaado ee ay gabadhiisu si kal iyo lab ah u soo dhawayso waxa uu iloobayaa wixii dhib iyo kadeed ahaa ee uu kala kulmay shaqada, halka ay gabadhuna ka dareemayso jeexeedii kale oo u yimid oo ay wehelnimadiisa sugaysay ilaa iyo intii uu shaqada ku maqnaa, sidaasayna noloshoodu ugu soconaysaa oo ay maalin walba u noqonaysaa maalin ay isku cusubyihiin oo kale, maxaana ka xikmad iyo xeel dheer hadalka Ilaahay ((“Waxaa ka mid ah Aayaadkiisa inuu idinka abuuray naftiina haween si aad iskugu xasishaan yeelayna dhexdiina is jacayl iyo naxariis”)) (Ar-Ruum:21)
Noloshu waxay ku tiirsantahay iskaashi iyo wadashaqayn waana sunne Ilaahay uu u dhigay bini’aadamka, waxaanu inagu abuuray waxyaabo farabadan oo ay ka mid yihiin jeclaanta aan jecelnahay magaca, maalka, aqoonta, dumarka, iyo dahabkaba intaasi waa arrin la inagu ladhay oo aynaan sina uga maarmi karin laakiinse waxaa sidoo kale la inoo sheegay hab lagu maarayn karo. si aanay inoogu hoggaamin halaag iyo khasaare, xidhiidhka ugu adag uguna xoog badan ee isku xidha bini,aadmkuna marka laga yimaado Iimaanka iyo walaaltinimada islaamku waa qoyska, xidhiidhkaasi oo lagu tilmaamay “Doonis iyo Raxmad”
Dhalinyaranimadu waa heerka ugu wanaagsan nolosha, uguna macaan badan waayo waxay ku dhexjirtaa laba heer oo taagdarni ah((Eebe waa kan idinka abuuray Tabaryari, hadana idinka yeelay tabaryaridii kadib xoog, hadana xoogii ka dib idinka yeelay tabaryari iyo gabaw))(Ar-ruum:54) markay gaadhaan xilliga qaan-gaadhka waxay ka fikiraan oo maskaxdooda raadcaysaa waa inay guursadaan, shaqo helaan, taliyaan, mushkiladaha isku dayaan inay xalliyaan, wax cusub curiyaan ama unkaan, intaasi waxaa wadata waayaha iyo wacyiga dhalinyaranimo, sidoo kale waxaa jira waxyaabo kale oo saameeyaa dhalinyarada sida warbaahinta, suuqa, saaxiibada iyo bulshadaba, waxaa isla daalaadhacaya waxyaabihii la inagu abuuray oo uu shaydaan doonaya inuu meel xun inala marsiiyo iyo inagii(dhalinyaro) taasaa ah dagaalka inoo dhexeeya inaga iyo nafteena, sidaa daraadeed jihad iyo dagaal la galo waxaa ugu adag waa nafta ((“Naftaan ku dhaartay iyo siduu Eebe u ekeeyay Una tusiyay jidka xun iyo ka Ilaahay lagaga dhawrsanayo Ee waxaa liibaanay ruuxii naftiisa daahiriya waxaana khasaaray ruuxii naftiisa xumaan dhexgaliya”)) (Ash-Shams 7-10)
Hadaba waxaa dhacda in waalidiintii iyo masuuliyiintii dalku aanay dareensanayn dhibaatada dhalinyarada haysata ee ah guurkii oo la adkeeyay iyadoo taasina ay keentay inay sinadii badato, oo ay hablo iyo wiilal fara badani ay xumaan ku dhaceen, xashiishadii iyo balwadiina korodhay, xumaanoo dhamina ay soo xusulduubatay, waxaasi oo dhanna waxay ku timid laba arrimood oo la gabay:
- Masuuliyiinta dhalinyarta(Maamulka dawladda iyo waalidiinta) oo aanan xilwayn iska saarin inay ka warhayaan dhibaatada dhalinyarta ku xeeran, iyo waayaha lagu suganyahay sida uu yahay, haddii uu qofka dhalinyartii yidhaahdo waan guursanayaa ee ha la I caawiyo waa la dayrinayaa, halka haddii uu yidhaahdo waxaan doonayaa jaamacada heblaayo oo intaaso lacag ah ku baxaysa waa loo soo hormarinayaa lacagta, taasi macnaheedu maaha waxbarashada oo la liidayo balse waa in la ogaado oo laga warhayo in dhalinyarta u baahan guur laga caawiyo horta guurka, waayo haddii aad jaamacaddaa u dirto isagoo guur maskaxdiisii ku jiro lacagtii uu ku guursan lahaana aad ka dhaadhicisay in jaamacadda lagaga bixiyay waxaa dhici karta inuu warwareeg ku doonto.
- Dhalinyarta badankoodii oo aan tarbiyad islaami ah oo ka qabata xumaanta aan lahayn, ka dhoohan duulaan maskaxeedka ku socda ee ay dawladaha gaalada ahi ku hayaan dhalinyarta islaamka ah, ka fikirayn inuu u samro oo uu Ilaahay ku xidhnaado, dhibaatada haysata uu isku dayo habkii uu uga dabaalan lahaa, isagoo Ilaahay baryaya inuu u fududeeyo “waanan sheegi doonaa sida uu uga gaashaamanayo dhibaatada sinada ah haddii aanu haysan awood iyo itaal uu ku galo geediga guurka.
maadaama ay is dhawritaanku tahay wax loo baahanyahay sharci iyo caqli ahaanba, iyadoo la doonayo in la ilaaliyo diinta iyo dadka, anshaxa iyo asluubta arrintaasina waa arrin muhiimad wayn u leh bulshada waliba qarnigan ay fara bateeen fiidyawyada, warbaahinta maqal iyo muuqaalba, iyo saaxiibada xun xun, waana arrinta aan is leeyahay maqaalkaygan ku soo bandhig.
- waxaan maqaalkan kooban ku sharxi doonaa uun xadiiskiii Rasuulka ee ahaa (( Dhalinyarooy kiina awooda inuu guursado ha guursado maxaa yeelay wuxuu u wacan yahay araga una dhawri ogyahay farjiga(xubinta taranka) kaan awoodinowna ha soomo maxaa yeelay waa gaashaan)), maqaalka magiciisa ama ciwaankiisana waxaan ka soo qaatay oo aan ka soo amaahday waa isla xadiiska “guurso ama dhawrsonood” , xadiiskani waa xadiis runtii daawo u ah dhalinyarada dhibaatadu hayso meelkastooy joogaanba iyo xaalad kastooy ku suganyihiinba, waxa inoo sheegay macalin garanaya dhalinyarta ummadiisa dhibaatada ku soo fool yeelan karta, siinaya xalka ugu wanaagsan ee la bixiyo waa Nebi Muxamed (Nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) . waxaanan jeclaaday inaan dhalinyarada la wadaago, waayo aniga ayaa ah dhalinyar waanan garanayaa dhibaatada ay dhalinyarada soo foodsaartay sabanka aan ku sugannahay iyagoo waxay sameeyaanna aan garanayn.
Dhalinyarta kii lacag haysta (Ilaahay ha u barakeeyee) ee awooda inuu guursado, naftiisu ay raali ku tahay inuu guursado, damiirkiisuna dareensiiyo guurka waxaa ku waajib ah inuu guursado yaanuse la sugin wakhti ama aanu dib u dhigin halkii uu falal kale oo foolxun ku kici lahaa, waxa kaa baxaysa lacag, meel wanaagsan haku bixiyo, si uu Ilaahay ugu barakeeyo arsaaqda, ubadka iyo oorida ama saygaba. Guurka wanaagsani waa ka qofka ka fogeeya inuu xumaan ku dhaco.
Shareecada islaamkee suubanina waxay ku boorinaysaa guurka, si ay bulshadu uga samato baxda sinada iyo akhlaaqxumada, dhalinayartuna u noqdaan kuwa hoggaan wanaagsan ummadda u horseeda, waxa uu yidhi Ilaahay ((“Guursada wixii idiin wanaagsan oo haween ah labo, saddex, iyo afar haddaad ka cabsataan inaydaan caddaalad falin midkaliya (guursada) “)) (An-Nisaa:3) ((“U guuriya xaaslaawaha idinka mid ah iyo kuwa suuban oo adoomadiina ah (rag iyo haweenba) haday sabool yihiin wuxuu ka hodmin Eebe fadligiisa”))(An-Nuur:32) Waxa kaloo aan ogsoonahay inay sunnaduna inagu boorinayso, waxa uu Nebiguna
(nabdgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) yidhi: ((Dhalinyarooy kiina awooda inuu guursado ha guursado maxaa yeelay wuxuu u wacan yahay araga una dhawri ogyahay farjiga(xubinta taranka) kaan awoodinowna ha soomo maxaa yeelay waa gaashaan)), ((Adduunyadu waa mataac mataacna waxaa ugu wanaagsan gabadh wanaagsan)) (Waxa weriyay Muslim, Ibnu Maajah, iyo Nasaa, i)
dhawrsonood:
waxaa soo hadhay qofka dhalinyarada ah ee aan haysan wax uu ku guursado balse doonaya inuu guursado,naftiisuna ay u hammuun qabto inuu guursado, kaasina waan ognahay dhibaatada haysata iyo dhibaatooyinka ku xeersan, hadday tahay heeso ku boorinaya jacayl waalan oo qofka ka dhigaysa inuu addoon u noqdo cid kale, warbaahin dawakhsan oo dhalinyarada dareenkooda aan dhawrayn, hadday noqoto mareegaha internetka la yidhaah, TVyada, iyadoo waliba wakhtigan ay yartahay inta ka badbaadaa(Ilaahay ha inaga dhigee) dabinadaasi faraha badan.
Islaamka muu xanibin mana cabudhiyo shahwadda dhalinyarada( wiil iyo gabadhba) wuuse dareensanyahay,laakiin wuu habeeyaa oo wuu hagaa, sidaa daraadeed baad arkaysa cadawga islaamka oo ku andacoonaya in dhalinyarta islaamka ay haysato mashaakil ah xakamayn iyo cabudhin waxaanay u furaan filimo fasaadiya akhlaaqda, buugaag jacayl ah oo ka madhan xishood iyo xikmadba, kuwaaso ah kuwa kaliya ee ay kharashka ugu wayni kasoo galo, waayo waxay raacayaan talooyinka iyo tusaalahii ay uga tageen aabayaashood ee ah “Ummadda Muxamadiya waxaa lagu halayn karaa laba shay waa gabadh iyo balwad” Guur yaraantana waxaa u sabab ah:
Meherka oo qaali xad-dhaaf ah noqday Iyadoo lagu talax tago agabka iyo arsaaqda ku kici karta guurka Maciishada dalka iyo dadka oo yaraata Camal la,aanta oo farabadata Aqoonta diinta oo yaraata hablaha oo shuruudo adag ku xidha inamada ka doona inay guursadaan tusaale ahaan;
Hotel hebel arooskaygu ha ka dhaco
Faniinta magacyadaa leh isoo kiray
Alaabta noocaas ah ee wadan hebel lagu sameeyey isoo iibi.
waalidka inanta dhalay oo ku dadaala badankoodu sidii ay uga faaidi lahaayeen guurka inantooda, soomaalidu waxa ay ki dhahdaa inanta dhashay waxa ay jeceshahay arooskii iyada u dhici waayey inuu inanteeda u dhaco.
Waxaase in la gudboon dhalinyaro inaan dhawrsoonaan la nimaadno inagoo ka tusaale qaadanayna Aayada Quraanka ah(( Ha dhawrsadeen kuwaan helayn(awoodin) guur inta uu Ilaahay ku kaaftoomin fadligiisa)) (Al-nuur:33)waxaase isweydiin leh sidee baa lagu gaadhi karaa dhawrsoonaantaasi iyadoo aad arkayso dhibaatooyinku inagu xeeran, wakhtiga aynu noolnaha, su, aashaa jawaabteeda waxaan ka soo qaadanaynaa Sheekha Wayn ee Daaciga ah, da,yartana siiya tarbiyad islaami ah, runtiina aan anigu inbadan ka faa,idaystay jeclaystayna inaan idiinka soo gudbiyo waayo aragnimadiisa qotoda dheer leh waa Sheekh Cabdallah Naasixal Calwaan waxa uu ku yidhi kitaabkiisa la yidhaah “Islaamka iyo Jinsiga” waxaa habboon inay dhalinyartu raacdo qodobadan si ay uga badbaado dabinada shaydaanka, dareenkoodana ay u dabraan, dadnimadoodana ay u ilaashadaan
1. Isha oo la laabto: waxa uu Ilaahay ina faray inaan dhawrno indhaheena waayo waa salka iyo meesha ay ka bilaabmato macaasidu waxa uu yidhi Ilaahay isagoo inoo sheegay ina amrayana inaan indhaha laabano ((Waxaad ku tidhaahdaa Muuminiinta ha laabaan indhahooda(daymada) hana ka dhawreen furuujtooda(xubintooda taranka) Zinada sidaasaa u wanaagsan, Eebana waa ogyahay waxay samayn waxaad ku tidhaahdaa Haweenka Muuminaadka ah (Xaqa Rumeeyay) ha laabaan indhahooda(daymada) hana dhawreen farjigooda(xubinta taranka)) (Al-nuur: 30-31) Dhibaatada ugu badaniba waxay ka bilaabmateen daawashada xaaraanta ah ee aad ku sii dhaygagtid, Nebiguna (nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) waxaa uu ku yidhi xadiis micnihiisu ahaa (bini,aadamku wuu sinaystaa, indhuhu way sinaystaa oo sinadoodu waa eegmada xaaraanta ah, dheguhu way sinaystaan oo sinadoodu waa maqalka xaaraanta ah, carrabku wuu sinaystaa oo sinadiisu waa hadalka xaaraanta ah, luguhu way sinaystaan oo waa u kicitaanka meesha xaaraanta ah farjiguna?(xubinta taranku) way ka rumaysaa ama way beenisaa)).
2. Inuu iska ilaaliyo inuu badsado haweenka uu gayayo guurkooda sheekadooda iyo haasawahooga sida taleefonada, sypka iyo si fool ka fool ah si marka ay inatu ugu tidhaahdo ereyo jilicsan aanay ugu kicin rabitaankiisa xalaana ay ka dhalan xumaan.
- inuu soonka suunah ah badiyo sida uu rasuulku scw ku la dardaarmay dhalinyarada hadii ay awoodi waayaan guurka .
Gaba gabo waxaan ku soo gaba gabeenayaa in la fududeeyo guurka la si kana daayo shuuruudaha adag ee lagu xidhayo inamada waayo lacag badan
BY; Dr Ahmed Hussein Ibrahim {Ahmed sadaam } axmedbc@hotmail.com