Hargeysa(Hubaal):- Shir-guddoonka Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa Maanta kulan albaabbadu u xidhnaayeen oo saacado dhawr ah qaatay ku wada yeeshay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, waxaana markii uu dhammaaday kulankaasi Warbaahintu wax ka weydiisay Ajandaha Warqad uu Madaxweynuhu ku dalbaday fadhi wada-jir ah oo ay isugu yimaaddaan Mundayaasha labada Gole 12-ka bishan oo uu Madaxweyne ahaan hor-tegi doono.
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isagu caddeeyey in Warqaddaasi soo gaadhay Golayaasha, isla markaana aanu caddayn Ajandaha lagaga hadlayo, marka laga reebo in Madaxweynuhu ku sheegay in lagaga hadli doono arrimo nabadgelyada khuseeya.
“Way jirtaa Codsi ka yimi Madaxweynaha oo uu isugu yeedhay labada Gole, laakiin wax ku qoran oo Ajende ah; Saldhigna kuma qorna, wax kalenna kuma qorna, laakiin in arrimo nabadgalyo laga hadlayo ayaa ku qoran. Marka aannu Ajendaha ogaanno ayaannu ka warrami karnaa arrintaas (Warqaddaas).” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro. Waxaanu Cirro oo la weydiiyey Warqadda inay ku qoran tahay in lagaga hadlayo Saldhigga Millateri ee Imaaraadku ka doonayo Berbera iyo waxa uu ka odhanayo, ayaa ku dooday inay Xisbi ahaan Mawqif cad ka soo saari doonaan arrinta Saldhigga, Balse weli Warqadda aan Ajandeheeda arrimo nabadgelyo lagu koobay.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo Weriyeyaasha qaar wax ka weydiiyeen Warqaddaa Madaxweynuhu u soo gudbiyey Shirguddoonka Guurtida iyo Wakiillada ee uu kaga dalbanayo fadhi wada-jir ah waxa ka jira iyo ujeeddadada fadhigaas, ayaa si diidmo leh uga jawaabay.
“War uma hayo. Kollay Xafiiska way taal baa laga yaabaaye, waan arki doonaa ee maxaa idinka khuseeya? Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay hadduu u baahdo inuu Qaranka wax u sheego, waa sax hadduu Madaxweynuhu codsado labada Gole.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan oo dhawr su’aalood oo la weydiiyey jawaabohooda intaa ku soo koobay.