Guddoomiye Saleebaan Oo muddo Toddobaad ah Gacanta Ku Haya Soo Jeedinta Madaxweynaha ee Muddo-kordhinta xukuumadda, Welina Aan Golaha u gudbinin
Hargeysa:(Hubaal)-Kal-fadhigii 62-aad ee golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah u furmay, waxana guddoomiyaha golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan uu si mudenayaasha ku wargeliyey in dhawaan la hor keeni doono muddo-kordhin loo samayn doono xukuumadda, wakiillada iyo wleiba goleyaasha deegaanka oo dhammaantood muddo-xileedoodu dhammaad ku dhow dahay.
Guddoomiye Saleebaan oo ka hor intii aanu kulankaasi furmin mudaneyaasha la hadlay, ayaa sheegay in go’aan ka gaadhista cusboonaysiinta muddo-xileedda saddexdaas hay’adood iyaga u yaalliin, “Abaarta ka sokow waxa ina hor yaalla muddooyinkii xilka madaxweynaha iyo golaha wakiilladuba waa dhammaad, kii goleyaasha deegaannaduna waxba kama dambeeyo oo waa sannad Isbeddel badan, xil iyo iyo hawlibana way inoo taalla” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay in toddobaadkan haatan socda gudihiisa soo jeedinta muddo-kordhinta golaha la hor keeni doono, isla markaana ay waajibkooda ka gudan doonaan, waxana uu yidhi, “Toddobaadkan haddii allah yidhaahdo mudd-kordhimahaas waan idin hor keeni doonaa oo goluhu waajibkiisa ayuu ka gudan doonaa.”
Maanta oo Axad ah, ayaa lagu wadaa in golaha la horkeeni doono soo jeedinta madaxweynaha ee muddo-kordhinta xukuumadda, golaha wakiillada iyo weliiba golaha deegaanka, waxana la filayaa inaanu raagi doonin go’aanka ay Guurtidu arrintaas kasoo saari doontaa.