Hargeysa (Hubaal)- Madaxda saddexda xisbi-qaran ee Somaliland UCID, Waddani Iyo Kulmiye ayaa Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal ka ogolaaday in mudo-xileedka Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici oo ku eeg 26-ka June 2015 loo kordhiyo sanad iyo afar bilood.
Go’aankan ay guddoomiyaha guurtida iyo saddexda xisbi isla gaadheen oo maanta gelinkii hore laysku af-gartay, ayaa la filayaa in Golaha Guurtidu ansixiyo marka la horkeeno fadhigoodaa Sabtida. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa guddoomiye u ah Guddi Gole-weynuhu si gaar ah ugu xil-saaray ka soo-talo bixinta wakhtiga ugu habboon muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
source:codkashacabka