Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka Hadlay Kulan uu Maalintii shalay la qaatay Danjiraha Waddanka Ingiriiska u fadhiya Magaalada Addis Ababa oo Hargeysa Safar ku jooga, waxana uu sidoo kale ka Hadlay ifafaalaha Wada-hadalladii Xukuumadda iyo Mucaaridka u dhexeeyey oo Hakad ku yimi.
Guddoomiye Faysal oo Xarunta Golaha Wakiillada kula kulmay Danjire Nail Wigan, ayaa sheegay inay Safiirka kala hadleen Arrimo u badan Doodda ka taagan Muddo-kordhinta, waxana uu hoosta ka xarriiqay sida ay uga Go’an tahay in somaliland ay gudaheeda ka dhamaysato arrimaha Muranku ka taagan yahay.
“Arrinta Muddo-kordhintu shan jeer bay soo noqotay, shantaas jeerna goob-joog ayaan ahaa mar qudhana ayaa dibadda la inooga yimi, karkaas oo aynu ka quusanay inaanu gudahayaga wax ku dhamaysano, waxana ay nagu noqotay Bar madow oo shacabku aad buu uga xanaaqay, waayo shacabku waxay jecel yihiin inay somaliland wixii ay kusoo caano maashay ee ay arrimihii ka ad adkaa kaga soo Gubeen isu tanaasul iyo midno ayey doonayeen. Tiibaana aanu haatan wadnaa, waxana aanu jecelahay in wixii aanu qabanaa ay noqdaan inaanu annagu qabsano oo aan dibadda nalagaga iman.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu Safiirka ka Wada-hadleen sidii aan Caalamku ula soo degdegi lahayn Faro-gelin ku timaadda Muranka taagan, waxana uu intaas ku daray inuu u sheegay in khilaafka dhawaan la dhamayn doono, waxana uu yidhi,
“waxanu annagay noo taalla wixii aanu heshiinana in caalamku nagu caawiyo, waxana uu noo sheegay inay nagu taageeri doonaan oo gacan nagu siiyaan wixii aanu isku raacno. Waxanu aanu nidhi waanu isku raaci doonaa oo annagoo Wada socona oo gacmaha is haysanna saddexdayada Guddoomiye, ayaanu iman doonaa Nairobi oo aanu Beesha caalamka kula Kulmi Doonaa.”
Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inaan xaq loogu lahayn in Caawimada yar ee dibadda laga siiyo waddanka loogu hanjabo oo lagu sanduleeyo amarro ka Baxsan rabitaanka shacabka, waxana isagoo arrintaas ka Hadlaya uu yidhi,
“waxanu jecellahay inaanu ku Budka sita budka ka dhigno oo shacabka oo wax badan qabsaday la ixtiraamo oo la kala saaro siyaasiyiinta iyo shacbiga. Ma aha shacbiga in waxa yar ee aynu adduunka ka helno loogu hanjabo, shacbiguna wax ay geysteen ma jirto”
Dhinaca kale waxa uu Guddoomiye Faysal Ka hadlay murankii sababay inuu Xisbiga Waddani madashii gogosha xukuumadda ka baxo, waxana uu rajo fiican ka muujiyey inay dhawaan soo saaraan Wax umadda farxad gelin kara,
“Xalay inyar baanu ku kala kacnay, intiina waanu dhammaynaynaa insha allah, ilaa Maanta Ilaa Berri waxanu jecellahay saddexda Xisbi oo wax ku ku heshiiyey wax umaddu ku faraxdo cadawguna ku dhaco.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Faysal oo ka Hadlayey ka noqoshada la filayo in go’aankii guurtida lagu sameeyo iyo dhawaaqyo isla shalay kasoo baxay Guddoomiyaha Guurtida oo sheegayey in Go’aankaasi lama taabtaan ahaa, ayaa yidhi,
“Guurtida Waxeedu Qur’aan Ma ahee annagaa xaq u leh xiliga ay doorashadu dhacayso, cidda arrintu khusayso waxay ku khusayso uun weeyaan, Shacbiguna ma oggola oo Guurtida Qudhooda ayaa khatar geli doonta.Saleebaan-na kama sarreeyo sharciga oo waa odaygaas weyn, waxana aan umalaynayaa inaanu wanaagga somaliland ka Hor imanaynin.”