“Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Weftigiisu waxa Ay U Quus-gooyeen Maamulka Puntland”
Daljir samaha nagu daajiyoo daacad ku hogaansha
Nin daneeya baahida dadkoo danaha guud eega
Duunyada kuwaa raacayee duurka badi jooga
Nin duleedka dooxyada u mara dhaamam uga dayra
Daldaloolka nin naga awdayoo naga daboolaaya
Daba socodka duumada qabiil naga dawaynaaya
Dakhligiyo cashuuraha ninkii nagu daryeelaaya
Dariiqyada nin noo wada dhisoo dawga ku hagaaja
Talo dalable ninaan nagu dayayn dabina noo qoolin
Darifyada nin wada gaadhayoo dacalna seegaynin
– W/Q: Sacad X. Maxamuud Gadhle
Maalin Axada oo ku beegan 17/7/2016 ayay Wafti Wasiiro iyo Xildhibaano ahi socdaal ku tageen Deegaanada balaadhan ee Gobolka Sanaag waana Safarkii Labaad ee Mudo Sadex Bilood gudahooda Waft Wasiiro iyo Xildhibaano ahi ay ku tagaan Gobolada Bari ee S/land waftigan oo ka koobnaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaaani Wasiirka Wasaarada Biyaha Baashe Cali Jaamac Wasiirka Wasaarada Dib u Dajinta Cali Siciid Raygal Wasiiru Dawlaha Wasaarada Duulista Axmad Nuur Faahiye iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyadoo ujeedada socdaalka waftiga Wasiiradu daarnaa dardar galinta hawsha diiwaan galinta codbixiyayaasha oo Gobolka Sanaag ka socota iyo ka qayb galka Shirka Samo Talis ee Deegaanka Awrgoobays oo Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud Aadan Siiraanyo Shirka gogiisa hore ugu fidiyay qaybo ka mida Bulsho Waynta S/land ee Gobolada Sanaag Sool iyo Xaysimo. Waftiga Wasiirada iyo Xilldhibaanada ayaa soo dhawayntii ugu balaadhnayd kala kulmay dhamaan bulsho waynta S/land ku dhaqan deegaanka balaadhan ee Gobolka Sanaag iyagoo waftiga Wasiiradu waqti galab ah gaadhay Dagmada Garadag waxaanay Shirar iyo Kulano la yeesheen Masuuliyiinta Dagmada, Madax dhaqmeedka,Odayada,Waxgaradka, iyo Dhamaan Ururada Bulshada, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo Hadal Mug iyo Misaan leh u jeediyay dadwaynaha Garadag isagoo kula dardaarmay in ay qaataan Kaadhka diiwaan galinta Cod bixiyaha mar kale waxuu Wasiir Maxamuud Xaashi hoosta ka xariiqay in Dadwaynaha Reer Garadag ayna aqoon guurguurka iyo godad laha Siyaasada Taageero baaxadlehna u hayaan Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye . Waftiga Wasiirada iyo Xildhibaanadu waxay u dhaafeen Dagmada Ceel Afwayn iyagoo sii maray Tuulyin ay ka mid yihiin Waridaad, Xayir, Xayira.iyo Barkada Cali Xirsi iyagoo Waftiga Wasiirada iyo Xildhibaanadu dhamaan Deegaanadii ay sii mareen kala kulmay soo dhawayn balaadhan oo ka turjumaysa taageerada ay Bulshada Deegaanadaas ku dhaqan u hayaan Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye iyadoo Waftiga Wasiirada iyo Xilldhibaanadu kula dardaarmay Bulshada ku dhaqan deegaanka Dagmada Ceel Afwayn in ay qaataan Kaadhka diiwaan galinta Cod bixiyaha oo ay gutaan Xaqa ay u leeyihiin in ay codeeyaan. Intaa ka dib waxay Waftiga Wasiirada u sii dhaafeen Deegaanka Awrgoobays waxayna ka qayb galeen Furitaanka Shirka Samo Talis oo daba socda Gogoshii uu hore ugu fidiyay Madaxwayne Siiraanyo Beelaha daga Gobolka Sool,Xaysimo,iyo Sanaag Bari iyadoo Furitaanka Shirka Samo talis Hadal uu ka jeediyay Wasiirada Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi soo jiitay dhamaan Garaadadii,Madaxdhaqmeedkii,Odayadii,iyo Waxgaradkii ku sugnaa Madasha Shirka ku sugnaa., Waxaana Marag Madoona In Shirka Samo Talis Ee Deegaanka Awrgoobays Uga Qabsoomay Bulshada Gobolada Sool,Xaysimo,Iyo Sanaag Bari Uu Ka Turjumayo Hogaaminta Suuban Ee Madaxwayne Siiraanyo Waana Talaabo Hore Loo Qaaday Oo U Quus Goysay Maamul Goboleedka Butland Iyo Guul U Soo Hoyatay Midnimada, Wadajirka Bulsho Waynta S/Land Bari Iyo Galbeedba. Shirka Samo Talis oo ah Gogoshii Madaxwayne Siiraanyo hore ugu fidiyay Bulshada Gobolada Sool, Xaysimo, iyo Sanaag Bari oo Wakiilka Garaadka Guud beelaha Dhulbahante C/laahi Garaad Saleemaan Garaad Maxamad oo Madasha Shirka ka hadlay ayaa Xaqiijay in ay wax la leeyihiin Golaha S/land sidoo kale waxaa ka hadlay Madasha Shirka Madaxdhaqmeed,Odayo,Waxgarad iyo Masuuliyiin dhamaantood ku dheeraaday in ay wax la leeyihiin Bulshada S/land. Shirka Samo Talis oo Laba maalmood socday ayaa ah talaabo hore loo qaaday iyo guulo la talaaban karo laga soo hooyay iyadoo lagu soo gunaanaday Qodobo bud u dhig u noqon doona Nabadgalyo buuxda oo la helo Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land oo noqota mid xoogaysata . Isku soo wada duuboo Shirka Samo Talis waxay ka turjumaysaa Hogaaminta suuban ee Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud Aadan (Siiraanyo) iyo waayo aragnimada siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye iyadoo ay waajib tahay in Mucaaradku ka marag kacaan Horomarka muuqda iyo dadaaalada ay ugu jirto adkaynta Nabadgalyada, Wadajirka, iyo Midnimada Gobolada Bari ee Sool, Xaysimo, iyo Sanaag Bari
Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle
Gabiley, Somaliland