Waxa la yaab leh in aad mooddo in Xabsigii Guwaantannaamo laga furay Hargeysa, marka aad eegto sida ay u dhaqamayaan taliyeyaasha iyo masuuliyiinta qaabbilsan ammaanka Somaliland gaar ahaanna kuwa sirdoonka iyo boolisku. Waxa aad mooddaa in aanu xil ka saarnayn xallinta khilaafka muwaaddiniinta, iyaga oo raaca hadba kii lacag iyo laaluush badan… Waa waxyaabo aan indhahayga ku arkay….
Maansadani waxa ay belaayo-xijaab u tahay habaar iyo saadaal xun oo ay miciin bideen masuuliyiin dawladeed oo aanu aragtida siyaasiga ah isku seeggannahay… Waxa curiyay Siciid Maxamuud Gahayr…
Waa kuwan meerisyadii maansadu:
Abuubakar raanle
Rankii Cumar baafi
Cismaan la i ruufye
Raggeeda Cabdoo ah
Agoon rabaceeda
Rajooyin u yeedha
Runsheegga u ciidma
Rigaaxa iblayska
RAXIIM ka ergeeya
RAUUF ila tuuga
RUKUUCDA SUJUUDDA
Amiinta ku reema
Dheg raaracsha eegga
BUTAA mudan roorsi
Shaydaanka rajiima
Shirqool “ragax” weeye
Gacmaa roga oogo
Cismaan la i ruufye
Rashbaa qarxi doona
Sidii rabadh jiidan
Yarkuu ragcay CAWKE
ISAAQ rigrigeeye
Hu’gii RABASAADLE
Ku raaridi hooto
Wadnaa ka ruqeynnin
Randhiislena doojin!
“Rab oo rudh”-ba diide
Laf-dheerta ha ruugo
Ha riiraxanyoodo!
Cismaan la i ruufye
Riglaanay ma-waabte
Inuu ifku riiqyay
Rokayn iyo jeel ah
Rucleeyaha weecday
Ramaas ugu yaallo
Rasuulki caddeeye
Dheg raaririci eegga
Rabbow dar hallawshe
Rarkiisa dulsaaray
Dhex ruubta xumaanta
Naruurana raadin
Rugtay u socdaanna
Rafaad laga dheefo
Allow ha i raacin
Rejaan sugayayaaye
RAXMAAN toddobaadyo
Ridduu nacabkaygyu
Rasaas ganayaaye
Rasmuu dedayaaye
Gullow raxan daallin
AF-TAAG rakibkiisa
Rexaanta INKAARLE
Rushee dhagartooda
Ku raar kal-dan-eegte
Ku riixna KINIISAD
Ku reeb dhabarkooda
Rugtiisa habaarre
Rakaysme inkaaro
RAMLAAY igu daashay
XAMSOW i ribaysay
Anoon raran jiidhin
GARGAAR ila roortay
Dhibtay u raxlayse
Xanuun u riyaaqde
Haddaad rinji foolxun
ROWSHOW igu saydho
Allow Ramadaanta
Nin raashinka quuta
U reemaya booli
Ka rooraya waalid
Rag kuuma ahaado
Ribooy BAQRA fiiri
Radaal “day” dheh TOWBA
Rasiidh iska gooste
Liq ruujimo waabay
Rah qaanta halmaaama
“Ruclo yaan ordahayn
Hohe raybadki mee
Rimaygeeda la qoon
Rayi-beenlay miyaa”
Nin raafka i qoomay
Qoslaay rafadkiisa
Kumaa liqay roodhi
Garteeduna raagtay
Ramiimna la ciiray
Haween rubad-gooya
Rug-khayr bilis keena
U ruumiya GAASTA
U raadgada WIIL-JAR
U raacdo ah gaade
“Hay raadsan” ku qawla
Rogaalna i maaga
In reer la sameeyo
Ka doorbiday roorsi
Ku raasukhay waaqla’
Garoommada raabka
Ah roondo mirqaansan
Kol aan rubuc quudhin!
Abuubakar raanle
Rankii Cumar baafi
Cismaan la i ruufye
Raggeeda Cabdoo ah
Agoon rabaceeda
Rajooyin u yeedha
Runsheegga u ciidma
Rigaaxa iblayska
Raxiim ka ergeeya
Rauuf ila tuuga
Amiinta ku reema
Dheg raaracsha eegga
BUTAA mudan roorsi
Haddii ramad caano
Ku sooro bah raacda
Waxaan ahay Rooble
Tacliin ku ah raalli
Kun jeer rucub beera
U roon ardaydiisa
Ku ruug-cad tix maanso
Qoraa ah rabbaayad
Ku raas leh QURAANKA
Markuu toban ruugay
Risaalad xambaaray
IMAAM la rudhaayo
Sidii ummu-roone
Wanjaale ruxaayo
ABUU LAHAB raafay
Cismaan ma rabbaaso
Rafiiq ma colaadsho
Rataanay xammaalka
Ku reeya shaqeynta
DIDMAA i rifaysaa
“Ristaa care gaadh” leh
Riyoonaysa maalin!
Cismaan rubadkaygu
Mid reygalay weeye
Nugayl raxanraadshe
Hadduu dhigo roogyo
Riwaayad cabsiis ah
NEBAA halgan reeyay
Halkuu rabay taabay
Rakaab milyan yeeshay
Walow wadhi raacday
Wax raas degi MAANQAB
Wuxuu SELEF reebay
Ha raajin MA-OOFSHE
Rog duulka “ANAADA”
RIJAALSHE u hiili
Ha raawisin KHEYRRE
Hadduu cadli raashin
Raxmaad yahay oon-tir
RASAAQ if ma yaalle
Halkeer rawaxaadda
Kumaa goglan RAAXO
Kumaa rabash uumi
SAQUUMKA ku ruugi?