“Intay dhibidee hore
Intay dhididay ee kale
Intay dhaqan xumaatiyo
Intay dhacantay maandeeq
Midna kuma dhadhabayee
Yay dhaliili doonaan
Hadday dhama’do caawana?”——-Alle ha u naxariisto Abwaan Axmed Muxumed Warsame“Axmed Genius.”
Dad badan ayaa yooyootanka iyo khilaafyada gudaheenna u fahma inay Somaliland ku kala tagayso, ama ugu yaraan ay wiiqayso xawaaarihii ay ku socotay oo lagaga jeedsan karo in la ikhtiraaco dedaal hor leh oo aynu madax-bannaanida dalkan ku iibgeyn karno.
Nin dhallinyaro ah oo aanu isku fil nahay isla markaana rafiiq ahaan jirnay oo hadda ku nool mid ka mid ah dalalka reer galbeedka, ayaa habeen afraadkii igala soo xidhiidhay Saxaafadda bulshada, isagoo I bidayey xog ogaalnimo, ayuu muddo saacad ka badan iga waraysanayey in khilaafyada maxaliga ah ee ka jira Somaliland ay suurtogal tahay inay mijo-xaabiyaan qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland!
“Waxa maalmahan noo faanaayey axsaabtayada qurbaha ee reer Soomaaliya oo lahaa ‘Somaliland waxay ku socotaa jidkii ay nagula masoobi laheyd, waliba waxay na dheer tihiin qabyaaladda.’ Annaguna waxaannu kaftan ugu bayaaminay in Somaliland ay leedahay dhaqan ah; in sida ugu adag loo wada doodo iyadoo aan waxba la isku reebaynin, haddana aakhirka waxaannu ku wada mintidnaa qaranimadayada oo qiime adag nagu joogta,”ayuu yidhi ninkaas oo iga codsaday in aan shacabka la wadaago in Siyaasadda Somaliland ku salaysnaato “Lafta jabi xarraganna ha ka tagin.” oo uu uga jeeday in siyaasadda laga fogeeyo reernimada iyo qabyaaladda mutan.
Inkasta oo ay waajib tahay in xal gudaheenna ka yimaada lagu furdaamiyo khilaafyada ka aloosan berriga Somaliland, gaar ahaan Arrinta Col. Caare iyo colaadaha soo noqnoqday ee u dhexeeya ardaayada walaalaha ah ee reer Ceel-afweyn, maadaama oo siyaasadda guduhu siday tahay ay saameynayso sumcadii ay Somaliland ku laheyd dibadda oo aheyd mid togan oo la innoo qirsan yahay dal jira oo nabad iyo dimuqraadiyadi ka hirgashay oo juhdi ugu jira sidii ay u kasban lahaayeen aqoonsigii ay ku fadhiisan lahaayeen goleyaasha caalamiga ah.
Waxa wax lagu diirsado ah hadalkii Khamiistii Toddobaadkii hore uu Afhayeenka Xisbiga WADDANI Mr. Barkhad Jaamac Batuun, ka jeediyey Xafladii loo sameeyey 883 arday oo ka aflaxay jaamacadda Hargeysa oo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu goob joog ka ahaa.
Mr. Barkhad wuxuu madashaas ka sheegay kelmad tumaati ku ah cadowga Somaliland oo ka turjumaysa sida Somaliland mucaarid iyo muxaafidba ugu middeysan yihiin qarannimada JSL. “Waxaan leeyahay Puntland khilaafka Axsaabta siyaasadda iyo Xukuumadda Somaliland ha ku kedsoomina (ha ku lumina). Annaga (Waddani) Madaxweynahayagu waa Muuse Biixi Cabdi oo muxaafid iyo mucaaridba isagaa madaxwyne u ah, isagaanu ku taageersannahay inuu qaranka ilaaliyo. Marka aanu hadlayno ee aanu maagayno waa lexjecelo aanu ka qabno ee xumaan aanu u ahayno maaha,” ayuu ugu digay Maaaamulka Garoowe Barkhad Jaamac Batuun oo sacabkii u dhacay ruxay shucuurtii xafladii qalinjabinta. Waa kaas sifaha mucaaridka looga fadhiyo marka ay joogto difaaca danaha guud.
Waxaa Somaliland lagu Shirabayaa inaynu la nimaadno xeeladdii aynu ku qaban laheyn doorashadda Golaha Wakiillada oo “Naaneys taban” u soo jiiday hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland oo aan la aqbali karin in 14 sannadood uu Baarlamaankeennu fadhiyo xafiiska, iyadoo aanay jirin sababo maangal ah oo ay u baaqsato doorashaddu muddadaas dheer ee uu qaangaadhka ku dhow yahay wiilkii dhashay sannadkii 2005tii oo aqalka Wakiillada la soo doortay!
Michael Rubin oo ah falanqeeye iyo khabiir hore oo ka tirsanaan jiray Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka, ayaa dhawaan qormo uu ku daabacay Warbaahinta caalamiga, wuxuu isku barbar-dhigay dawladnimada raasamaaalka ah ee Somaliland ku naalooneyso iyo nidaam la’aanta bariinsatay Soomaaliya, waxaannu yidhi : “Somaliland waxay xukuntaa dhul masaafadiisu dhan tahay 50 kun oo Mayl oo laba jibaaran, halka dawladda Muqdisho oo Maraykanku bilaayiin doolar geliyeyna ay ka taliso 50kun oo tallaabo oo kaliya.” Wuxuuna ku guubaabiyey Maraykanka inuu wax la qabsado Somaliland intii uu ku caydhoobi lahaa Soomaaliya oo quus laga joogo inay nabadi ka aslaaxdo.
Ma habboon tahay inaan la shaasheyn sumcada arrimaha dibadda Somliland oo gaadhay marxlad u baahan in dib loogu xoojiyo xoog iyo xoolaba, isla markaana aynu la nimaadno siyaasad indheer garad ah oo fursadaha soo mara ka faa’iidaysa il-bidhiqsi kasta.
Waxaan ku soo gunaanadayaa hal-ku-dheg laga guntay Steven Paul Jobs oo ahaa maalqabeen Maraykanka ah oo ku tiraabay; “Macno ma leh inaan shaqaaleyno dadka caqliga badan oo aynu haddanna u yeedhinno waxay qabanayaan, waase inaynu shaqaaleynaa waxgaradka oo ay iyagu inoo sheegaan waxaynu qabanayno.”
Qore: Cumar M. Faarax