Wasiir Cabdillaahi-dheere Oo U Quus-gooyey Ciddii Ay Dhibto Qarannimada Somaliland, Kana Hadlay Qorsheyaasha Ay Xukuumadda KULMIYE Ugu Talo-gashay Bulshadeeda
Borama (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Cabdillaahi Ibraahin Habanne (Cabdillaahi Dheere) ayaa u quus gooyay Somaliland diidka ka xun qaddiyada iyo qarannimada bulshada JSL, ee fagaareyaasha kaga cataaba, hadallada naxliga huwan ee ay cunsuriyada qabyaalladu ka muuqato. Wasiir Habanne oo shalay hadal ka jeediyey xaflad lagu qabtay Hotelka SOW ee magaallada Boorama oo loo sameeyey Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo ku dhawaaqay in uu xisbiga KULMIYE si rasmi ah ugu soo biiray, waxaa kale oo uu ka hadlay ujeedada laga leeyahay samaynta iyo wada lahaanshaha xisbiyada, isaga oo farta ku fiiqay in iskaashiga bulshada reer Somaliland ee ku kala jirta axsaabtu ay meesha ka saarayso qoqobka iyo kala furfurka dadka, taas bedelkeedana ay xisbiyadu ka dhigan yihiin shirkad ay ku wada shuraakoobeen dadyow kala duwan balse hal ujeedo leh. Waxaana Wasiirku isaga oo reer Borama u hogatusaalaynaya wax wada lahaanshaha uu u soo jeediyey in ay xisbiga KULMIYE ooh ore ay uga tirsan jireen cabashooyin la xidhiidha inaanay saami muuqda ku lahayn dadka gobolka Awdal ay haatanba ka qayb qaataan dhismihiisa, si hadhow midha dhalkiisa ay tacabkooda uga goostaan “Xisbiyadu waa shuraakee inta aad gashatid uun baad xisbiga ka helaysaa, markaa aynu [haddaynu reer Boorama nahay] shuraakada aynu xoojino, haddii aynu shalay meel u badnayn oo cid kale innooga badnayd xisbiga KULMIYE, maantaba wuu inna hor joogaa KULMIYE”. Sida ayuu wasiir Cabdillaahi Dheer yidhi, gebogabadii hadalkiisa oo aad u gaabnaana waxaa uu yidhi Wasiirku “Waxaan ugu dembeyn u mahad celinayaa ragga hawshan iyo xafladdan kasoo shaqeeyey. Gaar ahaanna ragga Barafasoorka la soo socday ee maalinba baahida taagan ku qancinayay. Kolley inanka Abokor Xaamud mar walba wuu la socday [Axmed Ismaaciil Samatar] oo maalinna kama uu hadhin, rag kale oo saaxiibadii ahina halkan bay joogaan. Waxaanan leeyahay Haani gun bay ka tolantaa, ummada Soomaaliyeedna Somaliland bay ku wada nooshahay, haddii qabiil lagu salleeyana dawladnimo iyo dadnimo dhismi mayso. Kuwa Isir iyo qabiil ku faanayana waxaan leeyahay meeshu dee waa Territory ay ku wada nool yihiin dad intii alle ku wada abuuray oo inay danahooda iyo maslaxadooda ka wada hadlaan wixii ka dhimanna ay dhamaystirtaanna waa lagama maarmaane, [haddii ay qolladaasi dan wadaanna] miyay Ogaadeen iyo Sool iyo Laas-qorey ku soo daraan [qorshahooda]. Ugudembeynna waannu ognahay, waananu xoojin doonaa, waana la xoojin doonaa, siyaasadda xukuumadda iyo ta KULMIYEna way tahay iyada oolaga shidaal qaadanayo in dhawr iyo tobankan sanno ee lagu jiro ay tahay [cahdigii xoojinta yoolka horumarka], kaas oo waxbarashaduna qoddobka afraad kaga jiro, iyada oo la xoojinayo tayada iyo tirade labadaba”. Ayuu yidhi Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Habanne (Cabdillaahi Dheere).