Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraare) ayaa tixdan yar ee maansada ah waxa uu ka tiriyay nidaam xumida xukuumaddan talada dalka haysa ee Axmed Siilaanyo madaxweynaha ka yahay,taas oo uu kaga hadlay xadhiga iyo cagajuglaynta ay ku hayso cid kasta oo hadasha dhaliilaheeda iyo sidoo kale talo xumada ay isla garab yaacayso xukuumadiisu ee wasiiro iyo cidkasta oo xuukuumadiisa ku jirta ay cidlo ka heleen awooda xukunka dalka ee uu madaxweynaha ka yahay Siilaanyo,sidoo kale waxa uu tixdan kaga waramay mujaahid Cali, maamulkan aan xataa birimageydada ka tagayn iyo dhaqamaadka xukuumadan oo uu ku sheegay mid caleenteedu ay cadaatay
HADABA WAXA UU KU BILAABAY SIDAN:
Habacsanidu waa wuxuu
hanqaar kuu hunguriyeyne
himilo hadaa wada leedihiin
hadefle oo taama
Xisri ma haybiyeen
waxaad ku hindisootaan
dhalinyaro haybediyo
higilka aad yaabto
hadeer iyo hadhawtaba
adoo heleya oo buuxa
habaar weeye haween
iyo caruur inaad hoorsataa
gacan hebednimada qaarkeed
aday kuu hed noqotaaye
hantiyo anoo layga dhacay
maalba waxan haystey
intaan shaaliyo
xariir soo huwado
herer ma joogeen
anoo hoy cidla ku nool
hebel ma sheegteen
idinkuna hambalyaad
ugu darteen horashadiinii
ina hoos u wada ooyeysaan
heley warkiiniiye
haldoorkii la jiidhiyo
ragaa xooga lagu haysto
Haatufiyo Hubaaliyo
dhamaan ma hurtediinii
hawo inaanay kuu hayn
inaad wax u halaakayso
ood hablaha eersateen
heley warkiiniiye
ha yeeshee
waxay kugu naceen
waad ka heleysaa
hayiin iyo dayiin
shacbigu idinku haasaw
ninkaa hankiisii laga qaaday
ee haadka la cunsiiyey
ee weliba loo sii hanjebey
lana hujuumaayo
ee weli ku hoos jira
hebeledii aasay huuryada
adoon rogin haadka lagu saaray
hadalba kuuma yaalee Muuse
maxaad kursi ka hoomaayin