Hargeysa (Hubaal)-Guddida bilicda Hargeysa iyo maamulka dawladda hoose ee Hargeysa ayaa wada jir ugu dhawaaqay in mar kale la kala bedelay haadadka Waddooyinka halbawlaha ah ee Hargeysa.
Jidka mashquulka badan ee Madaxtooyada hor mara ayaa hore u ahaa hal haad oo dhinaca Galbeed Baabuurtu u socoto, waxaana haatan loo bedelay hal Haad oo u socda dhinaca Bari ama dhanka suuqa Hargeysa.
Waxaa sidoo kale la bedelay Jidka kale ee isna halbawlaha ah kaasi oo mara xagga dambe ee Dhakhtarka weyn ee Hargeysa waxaanu hore baabuurtu u mari jirtay dhinaca bari ama marka ay Suuqa ku socdaan, halka hadda laga bilaabo ay u socon doonaan dhinaca Galbeed ama baabuurta suuqa ka baxday ay mari doonto.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo bilo ka hor wasiir Warancadde waddooyinkan ka dhigay hal haad kadib markii mashquul badani fuulay waddooyinkaasi.