Somaliland waxaa jirta xikmad tidhaahda nabadgelyo badan waa lagu tala seegaa waxyaabaha Dalalka Geeska ka socda waxa ugu wayn sidii looga gaashaman lahaa ka hortagida iyo ubabac dhiga hagar daamada ururada argagaxisada ah iyadoo si wayn caalamka oo dhan loogala socday weerarada kala duwan ee lala beegsanayo dalalka geeska oo uu ugu danbeeyey weerarkii halista badnaa ee lala beegsaday jaamacadii ku taalay magaalada Gaarisa ee Wadanka Kenya halkaas oo arday aad u badan lagu laayey oo Kenyan ah.
Waxay ahayd 29 Oct. 2008 markii Somaliland lagu soo qaaday weeraro Argagaxiso oo dad badan inagaga dhinteen hadaba inkastoo ugu horayn shacabkeenu fashiliyeen weeraro badan iyagoo waxii ay ka shakiyaanba lasocod siiya ciidamada nabadgelyada taasina ay tahay waxaan ku amaanayo shacabkeena is xilqaama ee iyagu ilaashada nabadgelyadooda waxaynu dheer nahay dalalka geeska shacabka dedaalka badan.
Ciidamadeena nabad gelyaduna waa kuwo geesiyaala oo dedaal badan waxaana ugu horeeya kuwa jiida hore oo usamray xaalado adag oo ay kamid tahay mushahar yaraan inkastoo loo kordhiyey hadana aanay ku filayn. Waxaad mooda in magaaloyinkii waawayna ee dalka sida caasimadii Hargeisa ay dhawaanahan la maqlayey dad meelo kala duwan loogu dilay sida ay warbaahintu qortay iyadoo qaar cidii dishay lagaran waayay iyo qaar loo soo xidhay dadkii dilayba ay isugu jiraan.
Bishii hore ee aan soo dhaafnay waxaa ay wasaaradda arimaha dibadda Denmark kasoo saartay warbixin ahayd in nabad gelyada Somaliland aanay wanaagsanayn iyadoo warbixintan soo marisay haayada Danilla ee Wadankaas laga leeyahay warbixintan oo xitaa qaar kamida jaraa,idka Somaliland lagu daabacay oo aan anigu aqristay iyadoo haayadu u digaysa shaqaalaha kusoo bixi doona fursado shaqooyin oo ay xayaysiiyeen una sheegaya in aanay nabadda Somaliland sideedii hore ahayn maanta. Arintana waxa ka jawaabay wasiirkii arimaha dibadda M. Biixi yoonis oo arintan beeniyey.
Waxaa 2 April warbaahinta Somaliland qaar kamida qortay in saldhig ciidanka Policeku kuleeyahay Saylo bari oo koonfur galbeed Hargeisa kaga beegan in lasoo weeraray oo ciidankii saldhiga markaa ku sugnaa laga awood batay kadibna qoryo saldhiga yaalayna ay qaateen rag hubaysan oo ilaa 15 nin lagu qiyaasay maleeshiyadan oo aan haybtooda la aqoonsan. Markii danbena dadkii tuuladu ugurmaday ciidankii lagana saaray saldhigii. Iyadoo ay xukuumaduna kaga mashquushay muddo kordhin lacagtii shacabka lagu gadanayo.
Waxaan usoo jeedinayaa xukuumada iyo haayadaha nabadgelyada qaabilsan in kor loo qaado heeganka ciidanka iyadoo laga hortagayo weerarada iyo dhaqdhaqaaqa argagaxisadu ka wado dalalka gobalka oo dadkana lagu wacyi galiyo inay kor uqaadan taxadarkooda si wadajir laysugu kaashado si aan jaanis la inooga helin isla markaana dadka wadanka soo galayana aad looga fiirsado oo aad loo baadho si feejigan waayo nabadu waa waxaynu ku faano iyo hantida kaliya een haysano maanta.
Allaa Mahad leh
Abdiqani Salaf (Kaptanka)
Hargeisa Somaliland