‘Habayaraaree Saddexda Murashax Wax Qorshe Ah Kama Laha Waxbarashada Iyo Caafimaadka, Keliya Kursiga Ayuun Bay Jecel Yihiin”

0
53

Agaasime Ka Tirsan Xukuumadda Oo Murashaxiinta KULMIYE Iyo Mucaaridka Ku Tilmaamay Kuwo Aan Habayaraatee Qorshe Siyaasadeed U samayn arrimaha Bulshada

vlcsnap-2017-07-12-23h16m11s8

Hargeysa (Hubaal)- intiinii la socotay cadadkii shalay ee wargeyska HUBAAL waxaanu kusoo qaadanay war ku saabsanaa hadal uu agaasimaha waaxda tacliinta ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL ka jeediyey jaamacadda Hargeysa kaasi oo uu ku durayo Wasiirradii iskaga kala dembeeyey wasaaradda waxbarashada oo uu sheegay inuu ku dhaaranayo inaanay daacad ka ahayn xilka loo igmaday iyo waajibaadka ka saaran sidii loo tayayn lahaa waxbarashada. Khudbada uu Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Mr Yuusuf Axmed Cali Jeediyey oo arrimo kala duwan uu kaga hadlay waxaa uu sid0oo kale ku naqdiyey xaallada siyaasadeed ee ay bulshadu ku dhego barjawday ee waqtigan ka socota dalka oo uu tilmaamay in ay axsaabtu ku kala jiidanayso taageerada shacbiga, iyaga oo aan haba yaraatee wax qorshe ah murashaxxiintoodu uga meel oolin horumarinta iyo wax ka qabashada arrimaha aasaasiga ah oo ay waxbarashadu kamid tahay haddii ay doorashada ku guulaystaan. Haddaba cadadka maanta ee wargeyska waxaanu idiinku soo gudbinaynaa qayb kale o kamid ah khdubadaas oo uu  Agaasime Yuusuf  si adag ugu duray   qorsheyaasha iyo barnaamijyada siyaasadeed ee axsaabta, isaga oo si aan gabasho lahayn ugu tiiqtiiqsaday heerka uu murashaxiinta axsaabtu ka taagan yihiin arrimaha bulshada, taas bedelkeeda waxaa isaga oo bulshada la hadlaya uu ugu baaqay in   shuruudaha ay ku xulanayaan musharaxa doorashada utaagan ay kamid noqoto adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oouu sheegay inaanay labada xisbi mucaarid iyo dabcan xisbiga hooyada u ah xukuumadda uu ka tirsan yahay agaasime ahaan ee KULMIYE aanay dhammaantood qorsheha ugu jirin arrintani  “hal mid ayaa maanta innaga la innaga rabaa inaynu ku khasabno dadka aynu dooranayno, waayo ninku kursigaas wuu doonayaa laakiin wax alla wax qorshe ah oo uu   uhaystaa ma jirto, qorshe wax barasho ma hayo mid caafimaad ma hayo, talo uu hayaama jirto kursigaas baan doonayaa mooyaane”. Ayuu agaasimaha Tacliintu ku dooday, waxanau intaa ku daray “Waxaynu doonaynaa inaynu [Murashaxa] ku nidhaahno waaryaahee wax aad waxbarashada ka qabanaysaa ha joogtee bal nooga warran heerka ay taagan tahay waxbarashada dalkeenu, intaas haddii la yidhaahdo wax alla wax uu ka sheegi karaa ma jirto”. Ayuu yidhi Agaasimaha waaxda tacliinta sare eewasaaradda waxbarashada iyotacliinta sare ee JSL Md. Yuusuf Axmed Cali oo maalintii shalay khudbad  uu ka jeediyey shir hawleed ay jaamacadda Hargeysi soo qabanqaabisay oo lagaga hadlayay heerka waxbarashada tayadeedu taagantahay iyo sidii loogu hawl geli lahaa in la tayeeyo. Khudbadan Agaasimaha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay toddobaadkii inna dhaafay ay soo gebogeboobeen imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe kuwaas ooay masuuliyiinta wasaaradda uukatirsan yahay ee waxbarashad oo dabcan wasiir Habanne uu gadh wadeen ka yahay ay si adag uga suuliyeen ardayda imtixaanka u fadhiisanaysa inay qish sameeyaan taas bedelkeedana ay guntiga dhiisha ugu giijisteen sidii uu ardaygu kalsooni isugu qabi lahaa oouu calafkiisa iyo dadaalkiisa ugu qanci lahaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here