Sida ka muuqata geeddiga nolosha bani-aadamka, ummadiba ummadda ay ka hadal badan tahay way ka hawlqabad yar tahay, ummadiba ummadda ay ka hadal yar tahayna way ka
hawlkarsan tahay, kana horumar badan tahay. Duulka aynnu ka dhalannay ee Soomaalidu waxay ka mid yihiin ummadaha ugu hadalka, hawraarta, murtida iyo maahmaahaha badan, uguna hawsha yar. Sidoo kale waxaynnu nahay dadka hadalka u yaqaanna waxqabadka madax iyo minjo ba, waxaana taas kaaga markhaati ah dib u dhaca innagu habsaday. Sidoo kale waxaynnu ka mid nahay ummadaha jecel horumarka iyo guusha, haddana aan isku hawlin ka fikirka jidkii guusha loo mari lahaa. Waxa kale oo aynnu ka mid nahay, ummadaha ugu xikmadaha badan dunida, haddana aan garan ku camal falidda, dhaqan gelinta iyo ficil u rogidda weedhahan runta ah ee wacyiga iyo waayaha noloshu bartay.
San ku-neeflaha badankiisu waxa uu isku wada raacsan yahay in guusha ama libintu kuma timaaddo rajo iyo riyo toonna, balse waxay ku timaaddaa han, himilo, hawlgal iyo hagrasho la’aan. “Waxaanad hurayn, horaa loo yeelaa!”
Sida aynnu taas u khalad fahannay ee aynnu hadalka waxqabadka u moodnay, waxaynu si la mid ah u khalad fahannay horumarka, xaddaaradda ama il-baxnimada. Bal se haddaynnu si waafi ah isu dul taagno xaddaaradda, ilbaxnimada iyo hormarka dhabta ahi waxa uu yahay;
Xaddaaradda iyo ilbaxnimadu waa fahamka macnaha nolosha iyo sidii loo hindisi lahaa wax cusub, ama sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqammada fiicfiican ee laga soo gaadhay dadkii hore, iyada oo aan marna lagu tumanayn cagtana la saarayn dhaqanka suubban ee diinta iyo dadnimada. Horumarku maaha dhisidda guryo waaweyn oo boqollaal dabaq ah, horumarku maaha hirgelinta jiddad laamiyo ah oo dhaadheer oo qurux badan, balse horumarka dhabta ahi waa rumeynta riyadaada oo u baahan inaad horta hurdada ka toosto. Waa jaan-goynta, habaynta, qaabbaynta, hormaynta wakhtigaaga oo horseed u noqonaya helidda guulo la taaban karo. Horumarku waa kobcinta iyo kor u qaadidda hab-fikirka garaadka iyo caqliga bulshada.
Haddaba haddaan hoos ugu daadego qeexidda hadafkayga. Waxaan ereygayga dardaaranka ah ku soo afmeerayaa, kuna ururin lahaa dadkaygiiyow sidaynnu hore ba ugu maahmaahnay “Hadal dheeri waa abaar”, ama hadal yar iyo hawl badan, ama hadal haammo lagama buuxiyo aynu u garanno inaynaan hadal tiro horumar ku gaadhayn. Sida runtii ahna waxa mudan innaynu isku af garanno horumarku inuu yahay (energy) tamarta ama dardarta aynu ku hadlaynno oo ficil loo beddelay oo keli ah.
Cali Maxamed Ibraahin “Dhanaaniye”
Email:dhanaaniye1@gmail.com